Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa maantey gaaray madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo waftigii la socdey kuwaaso muddadanba safaro shaqo ugu maqna dalalka dariska ah.
Diyaaradi qaas ah oo sidey madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max’ed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa kasoo degtey garoonka diyaaradaha ee magaalada.
Waftiga ayaa kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaaso maal mahanba ay ku sugnaayen,waxana garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyey xubno masuuliyin ah oo uu hor kacayey madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Fartaag.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa warfidiyenada kula hadley guddaha garoonka diyaarada isagoona ka warbixiyey socdaalki ay ku maqnayen waxana uu sheegey inay tageen inta ay Kismaayo ka maqnaayen dalal ay ka mid yihiin Kenya,Itoobiya iyo deegaano ka tirsan maamulka Puntland,waxana uu sheegey in dhamanba dalalka ay tageen inay isi soo arken madaxdooda,hadalkiisa ayuu waxa uu ko hormarey tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalladii dhowaan ka dhacay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
…”"”Marka hore waxan umahadcelinaya masuuliyinta iyo dadka kale ee nasoo dhaweysey,sidad la socotanba waxan tagney Kenya,Itoobiya iyo Puntland waxan isi soo aragney masuuliyinta goobaha an tagney waxana kala hadalney dana shacabka iyo maamulka Jubbaland iyo sidii taageero loosinlaha maamulka Jubbaland iyo dadkiisa,waxana ay dhamantood masuuliyintu noo sameyey balan qadyo ay nugu taageri doonan,waxan jeclahay inan hadalkeyga tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dagaalladii dhowaan ka dhacay Kismaayo,ruunti ad ayan uga xumahay dagaallada ee dhibaatada ay ka soo gaartay dadka rayidka ah,waxan ku dadaalena inan dib aysan usoo laban dagaallada oo kale…”"”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha ayaa guud ahanba sheegey inay kulamadii ay lasoo qaaten madaxdii kala gadisned ee ay la kulmeen inay ahaayen kuwo taarikhi ah waxtarna uu ah bulshada reer Jubbaland.
Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey ammaanka deegaanada maamulka Jubbaland isagoona si cadd u sheegey inay lama huran tahay in dadka reer Jubbaland ay helaan amni ay ku naalon karaan,inkastu uu kusoo qadey hadalkiisa in loo baahan yahay in dadka Kismaayo ku nool ay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka, ayna ka feejignaadaan wax kasta oo dhibaato u keeni kara.
…”"”Waxaa lama huran ah in amni uu kunoolankaro uu helo qofkasto oo reer Jubbaland ah taasna waxaa loo bahan yahay inay gacanteda ugu weyn ka geestan dadka Kismaayo,ayna ka feejignaadaan wax kasta oo dhibaato u keeni kara…”"”ayuu yiri Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegey in maamulkiisu wadaan qorsho lugu doonayo in lugu soo nooleyo kabayaasha bulshada ee Kismaayo kuwaaso baaba xoogan uu ka muqdo isagoona sheegey inay hay’addo la kaa shan doonan sidii dibu dhis lugu sameen laga adeegyada bulshada ee xiligaan maqan.
Ugu danbenti waxaa uu madaxweyne Axmed Madoobe si cadd u sheegey in xiligaan maamulka Jubbaland isku howlayo sidii hay’adaha samafalka uga dhaadhicinaya baahida ka jirta deegaanada Jubbaland ayna ugacan sin lahayen sidii baahiyaha loga gudbo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kuma usan soo qaadin hadalkiisa wadahadall la sheegey inay Jubbaland lagashey dowladda dhexe ee faderalka Soomaaliya.
Maamulka Jubbaland ayaa lugu wado in la dhamestiro bisha ramadaan kadib,iyadoona maalmo un ay uharsanyihiin waqtiigi ergada soo dhistey maamulka ay u qabteen taaso ahyed muddo 30-cisho ah.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio