Baydhabo(RBC Radio) Ciidamo ka tirsan booliska AMISOM oo ka kala socda wadamada Ghana iyo Nigeria ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay dhawaan si buuxda uga bexeen ciidamada dowladda Ethiopia oo in muddo ah gacan ka geysanayey sugida amniga magaaladaasi.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyey iney magaalada Baydhabo ay gaareen cutubyo ka tirsan booliska nabad ilaalinta AMISOM,gudoomiyaha ayaa sheegay in booliska AMISOM ee Baydhabo la geeyey ay ka kala socdaan wadamada Ghana iyo Nigeria.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ujeedka ciidanka AMISOM gaar ahaa booliska AMISOM loo geeyey magaalada Baydhabo ay tahay sidii AMISOM ay booliska Soomaaliyeed gacan uga siin lahayd sugidda amniga magaalada Baydhabo oo ay dhawaan amnigeeda la wareegeen ciidanka AMISOM kadib markii ciidankii Ethiopia ay banneeyeen.
Cabdi Aadan Hoosow ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyey geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii magaalada Baydhabo Alla ha u naxariistee Maxamed Macalin Ibraamih Dhaladheere oo Muqdisho ku geeriyooday,wuxuuna tilmaamay iney in muddo ah soo wada shaqeeyeen.