Dhalinyarada iyo Doorka ay ku leyihin Hormarka Dalka
Fuad Ahmed Mohamud
bilaal570@gmail.com
Luulyo 31 2013
Dhalinyarada waa hantida maguurtada ah ee wadan kasta uu leyahay ama uu sugayo inuu faa’idadeda gurto bari. Hadaba si aynu uga fakarno mustaqbalkena barri maxa nala gudboon in aan manta u qabano? Taas waa su’aal is waydiin mudan aad moodo in ay Bulshadeena iyo madaxda manta jirta inay ka maqan tahay in su’ashas jawab u helan. Runtii dhalinyaradu waa halka kaliya ee manta wadan wadanka kale ugla tartami karo ama wadan sida soomaliya oo kale ah uu ku fakari karo inuu yahay halka kaliya ee wadanka dhibtisa looga bixi karo ay tahay dhalinyarada, lakinse waxad mooda markad eegto in manta ay tahay in la dayacay maskaxdii dhalinyarada ee dalkan laha, markii laga faa’idaysan wayeyna ay manta ka qayb qaadanayan burburinti dalka.
Sida aan kawada dharagsanahay waxa manta in badan maskaxdii dhalinyarada si khaldan u isticmalay dad fakar khaldan aaminsan oo malinkasta waxan maqlayna in qof dhalinyaro ah oo naftisa soo biimeyey uu naftisa haligayo iyo dad badan oo aan waxba galabsan, dilayo hardoorkii umada, uu qasayo amnigii iyo kala danbayntii umada. Qayb kale oo kamid ah dhalinyaradii waxay Janis u wayeen inay helan nolal fican ay ku nooladan, talo iyo fakrad fican waxgarad siiya; taas waxay dhalisay in malinkasta aan arkayno Kumanan mustaqbalkenii birri aha oo kusii jeeda inay naftooda haligan iyago noolal radis ah una maraya wado khaldan sida iyagoo tahariib naftooda ku biimaynaya, sida lawada socono manta dalkasta oo calamka ka mid ah waxad ku arkaysa dhalinyaro somaliyeed oo ku dayacan iyagoo tahariib u socda waxan la socona in malinkasta saxara dhibta badan ee oomanaha ah inay boqolal dhalinyaro ah ay naftoda ku wayayan haraad iyo gaajo, boqolaal kale waxay ku jiran oo buux dhafsheen xabsiyada calamka iyagoo lagu so qabtay tahariib, intaas waxa si dheer in kumanan kale markay tageen meeshii yoolka u ahayd tahariibtoda yurub ama Amerika ay ku wada dhacday stress iyo u qadansho wa siday filayeen markay ka wayeen. Dhalinyarada manta dhibtada haysata kuma eka kaliya qodabadan so sheegnay kaliya waxa intas u dheer dhalinyaro badan oo muruq maal ahayd xirfadoodii isticmali jiray in manta gabi ahan shaqadii ay hayeen iskaga baxeen oo ku wada jeedan Burcad-badeenimo.
Hadii aan is waydiino meeyeh dhalinyaradii ka shaqaysan jirtay badahena muruqooda mali jiray wax qabsan jiray wadankana wax soorsaar la taban karo u aha manta intodii badnayd waxay galeen burcad-badeenimo in badan oo kamid ah waxay ku dhinteen iyagoo ku jira falal burcad badeenimo in badan oo kamid ah waxay ku wayeen iyagoo falalkas ku jira xubno qaali ah oo jirkoda kamid oo way ku dhawacmayn in badan oo iyaga ka mid ah manta waxay ku jiran xabsiyda calamka iyago dhibateeysan oo dhiiftu ka muuqado waxase kasii daran in inbadan oo inta dhalinyaradii hartayna manta ay maskaxdoodii ku jirto in falalkas barucad badeenimo ay sii wadan. Dhibatada dhalinyaradu ma yara manta samayntii ugu wayneed waxay kalo haysata dhalinyaradii la gashay wakhti badan iyo kharas adag oo waxbarashadii markay soo dhamaysteen ay ku haysato wadankii SHAQO-LAAN baahsan. Runti waxan aminsanahay dhalinyarada manta meelna uma fiyoba.
Hadaba dhalinyarada dhibatas tirada badan ay haysata ma kula tahay inay wadanka hormar kuso kordhin karan wakhti xadirkan? Si kasta ay tahay dhalinyaradu wa laf dhabarka umada, umad kasta oo hormartay waxa hormarkoda laf-dhabar u aha dhalinyaro, hormarkana dhalinyaro la’anteed kuma iman karo. Hadaba hadii aynu ka fakarayno hormarka wa in marka hore aanu ka fakarna dhalinyarada sidan iyaga u hormarin lahayn an uga qayb galin lahayn hormarka.< Hadii aan ku guuldaraysano in aan hormarino dhalinyarada, waxan qorshaynayna in aan ku guuldaraysano in aan hormar la garin>.
Maxa laga raba inay qabtan Bulshada, waxgaradka, iyo waliba dowlada si dhalinyarada loga qayb galiyo hormarka? Waxa laga raba in wacyi galin lo sameyo dhalinyarada lagu bararujiyo doorkoda ay ku leyihin hormarka iyo inay wax u qabtan wadankoda loguna garab istaago dhalinyarada si kasta oo ay ku gudan karan doorkoda ay ku leyihin bulshada iyadoo shaqo abuur loo sameeyo, in wasaradaha dowlada iyo meelaha kaleba shaqada bixiya ay dhalinyaradu u qadato volunteer xita si loo jiheeyo dhalinyarada. Manta dhalinyarado badan waxay u helan yihin inay ka qayb qatan hormarka lakin waxad mooda doorkodii in usan muuqan loona diyarin meesha ay wax ka qaban lahayeen bal iska daye mararka qaybtood caqabado badan kala kulman in ay qatan doorkodii. Hadaba dhalinta aanu tageerno si aynu u gaarno hormar.
Waxan dardaran u so jeedinaya dhalinyarada meel kasta ay joogan in aysan quusan guul daradu ma ahan in aad waxaad rabtay waydo lakin wa in aad ka quusato in aad gaado waxaad higsanayso. Waxad kalo ogatan dadka wadanka u haraya in ay tahay dhalinyarada, biri way tagayan waxan dhalinyarada ahayn, wadanka adiga aya kuso haraya hadaba manta ka qayb qaado hormarka si aad ugu raxaysato biri, geedka aad abuuratay manta aya biri harsan doonta.
Asalamu Calaykum.
Fuad Ahmed Mohamud
=======================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM