Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose waxaa maantey garey wafti ka socdey dalalka Maleysia iyo Taiwan.
Waftigaan xiligii ay ka soo degan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa halkaasi ugu hortagey oo soo dhaweyey wafti sare oo ka socdey maamulka Jubbaland waxana ka mid ahaa xubni garoonka diyaarada tagey xiligi waftigaan ay soo degayeen madaxweyne ku-xeegenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”.
Xubnahaan ka socdey dalalka Maleysia iyo Taiwan ayaa guddaha garoonka diyaaradaha kulan kula qaatay madaxda maamulka Jubbaland ee halkaas ku sugneed,waxaa la sheegey inay isla soo qadey arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira deegaanada maamulka Jubbaland.
Waftiga ayaa kormeeray ku tagey xarumo muhim ah oo ku yalaa magaaladda Kismaayo waxana ka mid ahaa guubaha ay tageen xarunta madaxtooyada, dekedda iyo isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Madaxda maamulka Jubbaland oo u ugu horeyo madaxweyne ku-xgeenka ayaa dowladaha Malaysia iyo Taiwan u sheegey inay ka qeyb qaatan wax ka qabashada baa hiyaha ka jira gobolka.
Warar kale oo anu helayno ayaa sheegey in Malaysia iyo Taiwan ay balan qaaden inay dayactir ku sameen doonan xarunta madaxtooyada, dekedda iyo isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo kuwaaso xiligaan dhibaato buur buur ah ay heysato.
Dowladdaha Maleysia iyo Taiwan ayaa socdal kooda ay maantey Kismaayo ku tageen waxaa uu noqonaya kii ugu horeyey ee ay ku yimaadan tan iyo inta la dhisey maamulka Jubbaland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio