Muqdisho(RBC Radio) Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saaka Dil qisaas ah ku fulisay 4 Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya,Toogashada oo ka dhacday Fagaaraha Iskool Buluusiiye ee degmada Xamar Jajajb ee gobolka Banaadir ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha ugu sareeya ciidamada iyo maxkamadda ciidanka qalabka sida.
4ta Askari ee dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa ay maxkamaddu ku heshay iney hore dilal u geysteen,gudoomiyaha Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Col.Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in ciidanka Maanta la toogtay ay ku heleen iney dil u gesyeen mawaadiniin Soomaaliyeed.
Goobta ay toogashadu ka dhacaysay ayaa waxaa usoo daawasho tagay dad weyne fara badan,tallaabada ay maxkamaddu ku toogatay Askartan hore uga tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney hoos u dhigi doonto in askarta dowladdu ay si bareer ah u dilaan dadka shacabka ah.
Ma aha markii ugu horeysay ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dil toogasho ah ku fuliso ciidan hore dilal u gesytay .
RBC Radio
Muqdisho