Kismaayo[RBC Radio] Digreeto kasoo baxdey maantey xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Shiekh Ismaacil “Fartaag”ayaa lugu magacaabey xiriiriyaha dhanka caafimaadka ee gobolka Jubbada Hoose.
Digreetadaan ayaa lugu sheegey in caafimaadku uu yahay baahida ugu weyn ee xiligan ka jirta deegaanada gobolka Jubbada Hoose ,taasi ay keentey in si KMG ah loo magacaabo masul u xilsaaran howlaha caafimaad ee gobolkaas.
Madaxweyne ku-xeegnka Jubbaland ayaa u magacaabey inuu noqdo xiriiriyaha dhanka caafimaadka ee gobolka Jubbada Hoose kaas oo si KMG ah u qaban doona xilkaa Dr,Axmed Maxamed Axmed.
Dr. Axmed Maxamed Axmed ayaaa lugu sheegey inuu yahay ruux isbadal ku samen doona xaalada liidata ee dhanka caafimaadka taaso xiligaan ka jirta gobolka Jubbada Hoose.
Xiriiriyahan sida KMG ah xilkaan uqaban doona ayaa xaafiiskisu noqon doona Cisbitaalka guud ee magaaladda Kismaayo.
Hoos ka aqri Digreetada ka soo baxdey madaxweyne ku-xigeebka Jubbaland ee lugu magacaabey xiriiriyaha dhanka caafimaadka ee gobolka Jubbada Hoose.
RBC Radio