Hargeysa[RBC Radio]Magaaladda Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland waxaa maantey kulan ku yeeshey labo xisbi mucaarad oo muddo ku kala aragti duwana siyaasada Soomaaliland.
Xisbiyada Mucaaridka ee Ucid Iyo Wadani oo ka mid ah xisbiyada siyaasaded ee Soomaaliland ayaa maantey garey heshiis ay ku sheegen inay ku mideenayaan mowqifkooda mucaarad nimo waxana heshiiskaas si wada jira qalinka ugu duugeen labada gudoomiye ee labadaas xisbi.
War qad ay ku qorneed qodobada heshiiska ay ku gaaren waxaa warbaahinta u aqriyey Prof,Cabdirashiid oo ka mida masuuliyiinta xibiga mucaaridka ah ee Waddani,waxaa uu sheegey inay tahay heshiiskan ay labada xisbi gaaren mid muddadanba guuxoda ka dhex socdey labada xisbi balse waxaa uu sheegey inuu yahay mid ay labada dhinacba ay soo dhawenayan ayna ku faraxsan yihiin.
Prof,Cabdirashiid ayaa sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in lasoo afjarey luguna xoojiyeyna inusan kusoo laaban labada xisbi khilaafaadkii siyaasadeed ee u dhaxeeyey,ayna laba jibaari doonan sida uu tilmaamey inay iska kaashadan arrimaha mucaaridnimo iyo danta qaranka.
Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali waraabe ayaa isna hadal uu kulanka ka jeediyey waxaa uu ku sheegey in qorsho laga soo shaqeeyey inay horey labada xisbi ugu kala maqnaayen balse hadda ay ku guulesten inay marlabad midooban oo ay xoojiyaan sida uu sheegey mucaaradnimadooda.
C/raxman Cirro guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa isna caddeyey inuu ku faraxsan yahay in maantey ay wada gaaran xisbigiisa iyo xisbiga Ucid heshiis kasoo uu ku micneeyey inuu awood usindoona inay xoojiyan mucaradnimadooda.
Hoos ka aqri qodobadi ay wada sixiixen labada xisba heshiskana ay ku gaare.
1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,
2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka
3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka
4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo
5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin
6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka
7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah
8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan
9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka
10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.
Lababadaan xisbi ayaa ka dhiga kuwii ugu horeyey ee heshiis ku garaa inay mideyaan mucaraad nimadooda,xisbiga Wadani ayaa doorashooyinki dhawaan dhacey waxa auu ku soo bandhigey cududisa siyaasaded ee uu ku dhex leyahay deegaanada maamulka Soomaaliland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio