Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin culus u diray Gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in gudoomiyihii kasoo dhalaali waaya sugidda amniga degmadiisa uu xilkiisa weyn doono,xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle ayaa sheegay in maamulka sare ee gobolka Banaadir uu la xisaabtami doono gudoomiyaasha degmooyinka magaalada Muqdisho.

C/kaafi ayaa sheegay iney ka war hayaan iney jiraan qaar kamid ah gudoomiyahaasha degmooyinka gobolka kuwaas oo ka gaabiyey gudashada xilka ay u hayaan shacabka degmooyinka Muqdisho,wuxuuna shaaca ka qaaday iney dagal ku samayn doonaan sida ay u shaqeeyaan gudoomiyaasha degmooyinka,wuxuuna qiray iney jiraan wada shaqayn la’aam ka dhaxaysa maamulada degmooyinka iyo booliska taasoo keentay amni xumada magaalada laga dareemay sida uu sheegay.

Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa daboolka ka qaaday in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay xaqiijita nabadgelyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo maalmahan danbe ay kusoo badanayeen falalka amniga liddiga ku ah.

Dhankiisa Warsame Maxamed Xasan Joodax gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir ayaa aaminsan in amni darrada Muqdisho ay qayb ka tahay wada shaqayn la’aanta maamulada degmooyinka,booliska iyo shacabka.

Wuxuuna ku booriyey ciidamada booliska Soomaaliyeed iney sugaan amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed,wuxuuse hoosta ka xariiqay in hadii aysan dadweynaha iyo maamulada degmooyinku aysan booliska gacan siin in ciidanka kaliya aysan sugu karin amniga magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles