Cape Town(RBC) Kooxo burcad Koonfur Afrikaana ayaa toogasho ku dilay Mawaadinkii 3aad ee Soomaaliyeed gudaha dalka Koonfur Afrika muddo 24saac gudaheed ,wararka laga helayo magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayaa ku waramaya in Koox burcad Koonfur Afrikaan ah oo gaarayey 3 ruux iney weerar ku qaadeen dukaan uu lahaa Ganacsade Soomaaliyeed oo ku yiillay nawaaxiga magaalada Cape Town.
Kooxda oo la sheegay iney ku hubaysnaayeen Bistoolado ayaa rasaas oodda kaga qaaday Dukaankii uu lahaa Ganacsadaha Soomaaliyeed,rasaasta ayaa haleeshay ganacsadaha dukaanka lahaa oo xiligaa dukaanka gudihiisa ku jiray goobta ayuuna ku geeriyooday.
Alla ha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/qaadir Axmadeey Cali,wuxuuna ka mid ahaa gaacsatada Soomaaliyeed ee Dukaamada kulahaa goobta lagu dilay,kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay,xalay ayey ahayd markii 2 kale oo Soomaali ah lagu dilay dalkaas.
Ciidamada booliska wadanka Koonfur Afrika ayaa mar danbe goobta soo gaaray,dilka wiilkan Soomaaliyeed ayaa noqonaya kii 3aad oo muddo 24saac gudaheed ah ka dhaca gudaha dalkaas,waxaana kor usii kacaya dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika.
Dhawaan ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika gaaray Wafti heer wasiir ah oo la socday dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo masuuliyiinta dalkaas ay ka wada hadleen sidii loo badbaadin lahaa hantida iyo nafta gacansatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan,balse waxaa wali muuqata iney sii socdaan dilalka arxan darrada ah ee Soomaalida loo geysanayo.
RBC Radio