Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Jabuuti oo siiddeysay qayb ka mid ah Doonyo Ciidammada dawladdaas Kaxeysteen

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dawladda Jabuuti maanta soo deysay saddex Doonyood oo kuwa Kalluumaysiga ah, kuwaasoo ka tirsanaa shan Doonyood oo ay ciidammada ilaalada Xeebaha Jabuuti dhawr cisho ka hor ka kaxaysteen Badda dhinaca Somaliland.

Shanta Doonyood ee ciidammada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Jabuuti saddex cisho ka hor ka kaxaysteen Biyaha Badda dhsanka Maamulka Somaliland maamusho, ayaa isugu jiray saddex nooca Kalluumaysiga ah iyo laba Doonyood oo kuwa ganacsiga ah. Sidaana waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) markii Doonyaha la kaxaystay ka dib.

Hase-yeeshee, Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Geel-jire oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in saddex Doonyood oo ay lahaayeen Kalluumaysato reer Somaliland ah oo u dhashay Saylac ay dawladda Jabuuti siiddeysay, balse waxa uu xusay in laba Doonyood oo ganacsi isugu jira Bagaash iyo Shidaal Somaliland u soo siday aan weli la soo daynin.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Geel-jire, waxa uu sheegay in Wakiilka maamulka Somaliland u jooga magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyaddaas uu ku soo wargeliyey in Wasiirka Kalluumaysiga iyo Badda ee Jabuuti u sheegay in saddexda Doonyood ee Kalluumaysiga dawladdiisu siideysay. Hase ahaatee,

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ma faahfaahin sababta labada Doonyood ee ganacsiga u soo siday Somaliland weli ay u haystaan ciidammada ilaalada Xeebaha ee Jabuuti. Waxaanu Wasiirku xusay saddexda Doonyood inay dawladda Jabuuti soo deysay markay ogaatay inay Somaliland ka sharciyeysan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee arrintan oo kale dhex-marto Somaliland iyo Jabuuti, isaga oo Wasiir Geel-jire, kaxaysiga Doonyaha ka dib sheegay inay jawaab cad ka sugayaan dawladda Jabuuti sababta keentay in Doonyo Somaliland laga leeyahay iyo kuwo u raran ciidammadeedu ka kaxaystaan gudaha Biyaha Badda ay Somaliland maamusho.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles