Image may be NSFW.
Clik here to view.Khartuun (RBC) Ardaydan Kasoo jeeda Goboladda jubbooyinka ee ku sugan Magaaladda Khartuum ee Xarunta Wadanka Sudan ayaa siyaabo kala duwan u qabtay labo Barnaamij, oo mid lagu taageerayay Shirka dhawaan ka Furmi doona Magaaladda kismaayo ee ah Maamul usameynta Goboladaasi, halka Kuwa kalena ay qabteen barnaamij ay kaga soo horjeedaan Shirka Maamul usameynta Jubbooyinka ee Kismaayo ka dhicidoono.
Kulamaddan ay qabteen Ardaydaasi ayaa ukala qeybsanaa amaba watay labo magac oo matayala Jubooyinka oo kala ah:
Ururka Ardayda Jubba Land ee Sudan.
Ururka Ardayda Jubba Weyn ee Sudan
Labadda urur waxa ay kala ahaayeen kuwa aad u kala fog siyaasada ku aadan dhanka Maamul usameynta Jubbooyinka iyo hardanka siyaasadeeed ka dhex aloowsan halkaasi oo iminkaba ay isku heystaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka KMG ee Kismaayo hanaankii loo dhisilahaa Jubbooyinka.
Munaasabadahan oo ay kawada dhaceen Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Caalamiga Afrika ayaa maalinta 1-aad qabtay Ururka Ardayda Jubbaland, waxayna kaga hadleen sidii loo taageerri lahaa Shirka dhawaan ka lagu wado inuu ka furmo Magaaladda Kismaayo oo halkaasi Maamul loogu sameenayo Goboladda Jubbooyinka.
Hadalo kooban ay ka jeediyeen qaar ka mid ah Urukaasi oo ugu horeeyo Dr. Maxamuud Xasan, C/mudalib, Inshaar C/jaliil oo dhamaantood isku raacay in la taageero Shirka Kismaayo ka furmaya todobaadyada nagu soo fuudda leh, islamarkaana dowladda Federaalka ugu baaqay inay ixtiraamto, kuna dhaqanto Dastuurka u degan Dalka.
Dhinaca kale Ururka Ardayda Jubba Weyn ayaa iyaga Maalinta 2-aad ku qabtay isla hoolkii hore Dood-cilmiyeed ay ugu hadlayaa Xaaladdaha Jubbooyinka iyo sida ay ku haboon tahay in Maamul ay uwada dhan yihiin dhammaan dadka ka soo jeeda Goboladaasi loogu qeybin lahaa si Cadaalad ah.
Dood Cilmiyeedkaasi ayaa ka hadlay Aqoonyahannada Ururka lamagac baxay Jubba weyn oo ay ka mid yihiin: Dr. Xuseen Bashiir, Dr. Maxamed Rashiid, Fadiilatuhu, C/rashiid Xiriiriye waxayna sheegeen in ay muhim tahay in mar waliba la taageerro Dowladda Federaalka, iyadoo ixtiraameyso Dastuurka Dalka iyo Nidaamka Federalka ee ku Cad Dastuurka.
Ururadan kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa Maalmahan dmabe ku soo kordhiyay Ardayda Dalka Sudan Buuq farabadan oo ay ardayda isla dhex marayeen Meelaha lagu shaaheeyo, iyadoo Ardaydan dhamaantood loosoo dirsaday Waxbarasho Jaamacadeed, hase ahaatee ay gacanta lagaleen Siyaasad Xumida ka jirta Wadanka Soomaaliya.
C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)
cmc_vip@hotmail.com
Khartuum – Suudaan