Markaan Soomaali Nahay !!!
F. Hiirane
fahiira@gmail.com
Luulyo 20 2013
Sanadkii na dhaafay tirade Soomaaliya ( Somalia + Somaliland) waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad 11 Malyuun oo qof , 3.5 Malyuun oo kamid ah waxay ku nool ‘’Somaliland’’ UNPO waxay bogeeda ku sheegtay inay dadka ku nool ‘’Somaliland’’ ee tirisgooda lagu qiyaasay 3.5 ay isugu jiraan Soomaali , Swahili, iyo Oromo , meesha dadkaas aan soomaalida ahayn ay kaga noolyihiin ma garanayo marka laga reebo Oromada qoxootiga ah ee inta badan magaalooyinka ka dawarsada .
15 sano iyo wixii kawayn waxaa wax akhrin kara qorina kara 37.8%, Raggu tirsigaas waa 49.7% dumarkuna waa 25.8% , maamulada is diidan ee midba sheego inuu u adeego dadka halka uu taladeeda haysto miisaaniyad sanadeedkooda kuma jirto wax loogu tala galay adeegga wax-barasho hadday jirtana waa hadal xaashi lagu dhigay, kaliya waxay shacabka ku maaweeliyaan waxa laga soo dawarsado qolyaha yiraahda deeq ayaan bixinnaa ee dacarta waraabiyay dalkeennii mudnaa bari waa dullaaliinta aan u dabranhay.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa xarumo caafimaad heli kara ( waa kuwa gaarka ah ee lacagta lagu galo) 23% inta magaalo joogta , waa 0 % kuwa miyiga ku nool , cudurada laga qaado cuntooyinka dhacay ee lasoo dhoofiyo wuxuu gaaraa siisan yahay heer khatar ah , goobaha ganacsiga haddii aad dhex mushaaxdid waxaad ku arkaysaa cuntooyin fara badan oo taariikhdoodii dhaafay , qaar badan oo aan lahaynba astaan lagu garto , iyo kuwa uu bahal ku dhashay hadana dadkeenu ay habayn iyo maalin cunaan .
Arinta naxdinta leh sanadkii 2009 kii waxaa HIV/AIDS qabay 0.7% iyadoo sanadkaas ay la noolaayeen inta diiwaanada la galiyay 36,000 waxaana la diiwaan galiyay sanadka 2009 ka inay u dhinteen cudurkaan halista ah ee gogol dhaafka laga qaado 1600 oo qof , waxaa jira tiro aan yarayn oo aan la diiwaan galin ama aanay jirin cid ogaatay iyo qaar badan oo qarsanaya halisna ku ah bulshada inteeda kale inay ku faafiyaan.
1,000 kii qof ee Soomaali ah sanad waliba cel celis 12 qof oo dhalin yaro u badan ayaa dalka isaga Tahriiba waxayna aadaan halka ay isleeyihiin waxaad ka helaysaan nolol dhaanta midda ay ku haystaan Dalkeenna , badankood waxay ku nafwaayaan biyaha badaha , iyo lama dagaanka saxaraha , qaarka nasiibka leh ayaa xabsiyo gala wax ka samata baxana waa yar yihiin.
Maalin waliba waxaa hoteelada ugu qaalisan Xarumaha Geeska Afrika ku shira rag iyo dumar shafka ka naaxay oo shaqa ka dhigtay dumi kala didi iyo dantooda yaysan gaarin Soomaali.
“Ninka Guba Dhulkeenee Latashada Gumaystoow Kugu Garanay Taladaad La Guur Guuranaysee.. ” (Magool )
F. Hiirane
fahiira@gmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM