Adis’abaaba [RBC Radio] Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa wareysi ay layeelatey afhayeen u hadley wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ayaa sheegetey in horey ay Ethiopia u qorsheysey inay ciidamada deeda kala baxdo magaaladda xarunta uu ah gobolka Baay oo ka mid ahyeed melaha ay ugu xooganayen xoogaaga al-shabaab.
Dina Mufti oo ah afhayeenka uu hadley wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia oo ay soo xigatey AFP ayaa si cadd u sheegey inuu qorsha hooda ahaa inay Baydhabo ka saraan al-shabaab kadibna ay u gacan galiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
“Mar walba ciidamadenu waxay qorshenayen inay isaga soo baxaan Baydhabo markii ay kasaran al-shabaab ayna ku warejiyaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM,dowladda Soomaaliya wan ku wargalinay bixitaan kena waxana isla mel dhigney inay AMISOM timaado goobaha an baneeno”ayuu yiri afhyeen Dina Mufti.
Afahayeenka ayaa sidoo kale wareysigisa ku sheegey inay wadayaan ladagaalka ay kula jiraan al-shabaab balse goob kasta oo gacantooda gasha ay noqon doonto midey maamulkeda ku warejiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Hadaalkan ayaa imanaya iyaado dalka Ethiopia ay gaaren dhawaan wafti uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyadoona la sheegey in socdaalka uu quseyo wada hadal ku aadan in ciidamada Ethiopia aysan ka bixin guddaha Soomaaliya.
Inkasto hadalkaan kasoo baxay Ethiopia uu ka dhigayo in ay gudd ahanba banaynayaan Soomaaliya ciidamada Ethiopia oo deegaano badan oo dalka ah kusugna.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio