Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose waxaa gor sii horeysey oo maantey ah ka dhacay qarax kasoo la sheegey in lugu bartilmaamedsadey ciidamada AMISOM oo halkaasi marayey xili ay wateen kolanyo gawaari ah.
Qaraxa oo ahaa nooca miinada meelaha fog laga hago ayaan la ogeyn khasaaraha uu gaarsiiyay ciidamada AMISOM, wuxuuna dhacay xilli ay ciidamadu marayeen waddo ku taala xaafadda Dalcada ee magaalada Kismaayo.
Qof ka mid ah dadka deegaanka islamarkana ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo Raxanreeb.com la hadley ayaa sheegey in qaraxa uu la kacay gaari booyad oo ka mid ahaa kolanyo gawaari ah oo ay wateen ciidamada AMISOM.
Khasaaraha laga ogyahay qaraxa ayaa ah dhimashada haweeney oo xiliga qaraxa uu dhacayey goobta mareysey,inkasto war an la xaqiijin ay sheegayan in askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu isna qaraxa ku geeryoodey.
Afar qof oo kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM markii uu qaraxu dhacay kaddib,dhaawacayda ayaa markiiba loola cararey isbitaalka magaalada Kismaayo.
Qaraxa intaa uu san dhicin ka hor ayaa ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM waxay laba miino ka saareen agagaarka halka qarax uu ka dhacay maantey.
RBC Radio