Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Khayraadka oo mudanayaasha baarlamaanka ka hor akhriyey Sharciga Khayraadka iyo Kalluumaysiga dalka

$
0
0

baarlamanka 2Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka Khayraadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta Markii Labaad mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka hor akhriyey Sharciga Khayraadka iyo Kalluumaysiga dalka,kulanka mudanayaasha baarlamaanka ee maanta oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar ayaa waxaa soo xaadiray 150 xildhibaan.

Furitaankii kulanka kadib ayaa waxaa ay mudanayaashu wasiirka ka dhegeysteen akhrinta Labaad ee Sharciga Khayraadka badda iyo Kalluumaysiga Soomaaliya,wasiirka ayaa si faah faahsan mudanayaasha ugu sharaxay qodobada uu ka kooban yahay sharcigan ay soo diyaarisay wasaaradda Khayraadka ee uu masuulka ka yahay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in mabaadii’da aasaasiga ah ee Khayraadka badda ay ka mid tahay in si taxadar leh loo maareeyo  khayraadka nool isla markaane aan khatar la galin khayraadka nool ee ku jira badaha Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay dhanka Kalluumaysiga in sharcigani uusan Maraakiibta la siiqo ruqsada ay ku kalluumaysan karaan aysan ka Kalluumaysan doonin wax walba oo ay doonaan balse uu sharcigu u xadidato waxyaabaha u bannaan iney ka Kalluumaystaan.

aragtiyo.Su’aalo iyo tala soo jeedin ay mudanayaashu hordhigeen wasiirka Khayraadka dalka kadib ayuu  C/risaaq Cumar Maxamed  dhammaan su’aalihii la weydiiyey ka jawaabay, gudoonka kulanka baarlamaanka ayaa shirka soo xiray wuxuuna kula dardaarmay gudiga baarlamaanka u qaabilsan Khayraadka iney sharcigan baarlamaanka horkeenaan Maalinta Sabtiga ah si ay uga doodaan.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles