Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka oo Xukuumadda Puntland Ku eedeeyey Dagaalkii Magaaladda Qardho [Sawirro+Dhageyso]

$
0
0

01Qardho[RBC Radio] Kulan ay maanta ku yeesheen magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Odayaasha,Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada iyo bulshada rayidka ah ayaa Xukuumadda Puntland ee Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole loogu soo jeediyey eedeyn.

Xukuumadda Puntland ee Madaxaweyne Cabdirixmaan Faroole ayey Odayaashu ku eedeeyeen iney mas’uul ka tahay dhibaatadii ka dhacday magaaladda Qardho 14-kii bishan July 2013, kaasoo ka danbeysay in u dagaal dhexmaro Ciidamo waday Sanaadiikhda Doorashada iyo Shacabka magaaladda.

05

Eng. Caydaruus Cismaan Yuusuf Keenadiid oo Saxaafadda u akhriyey Bayaanka ayaa sheegay in kulankoodu ku saabsanyahay Cambaareyn dagaalkii ka dhacay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,wuxuuna xusay in bulshada Qardho ay u taagantahay nabada iyo xasiloonida.

Eng. Caydaruus Cismaan Yuusuf Keenadiid

Eng. Caydaruus Cismaan Yuusuf Keenadiid

Bayaanka Cambaareynta.

Nabadoonada, aqoonyahanada, culuma’udiinka, ganacsatada, haweenka, dhalinyarada iyo guud ahaan xubnaha bulshada rayidka ah ee Qardho,waxay si adag u cambaareynayaan weerarkii bareerka ahaa ee ay ciidamadii uu Maamulka Puntland soo dumay kusoo qaadeen magaaladda Qardho waaberigii 14.2013.

Ciidamadu waxay wadeen waraaqo ku saabsan Doorasho ku sheeg uu maamulku damacsanaa in xoog lagu meelmariyo taasoo badidoodba ay reer Puntland diidan yihiin.

Ciidamadu oo ahaa kuwa aad u hubeysnaa wuxuu weerarkoodu geystay 4-dhimasho ah, 9-dhaawac,barakac,dareen iyo argagax si daran dadweynaha u saameeyey,ka sokow addeegyadii,ganacsigii,dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka oo curyaamey.

Sinaba gar iyo abbaar toona uma ah,garowsiinana looma heli karo in Ciidanka loo adeegsado cabburinta iyo argagaxinta dadweynaha,iyadoo lagu sandulleynayo waxa rabitaankooda ka baxsan.

Ma bannaana,dawna ma aha in dadweyne sooman oo nabad iyo cibaado u fadhiya hub aan turaal lahayn loola yimaado.

Ciidamada shacabka ayaa iska leh,waxaa loo dhisay sugidda nabadda,xasiloonida iyo daafaca danaha Puntland,dad iyo dalba,sidaa darteed waxaa reeban in laga dhigo aalad dadweynaha waxyeelo loogu geysanayo.

Bulshada Qardho waxay ku taagantahay Nabada,xasiloonida iyo in wixii khilaaf ah wadahadal iyo tub nabadeed lagu maareeyo.

Wabillaahi Towfiiq

02 03 04 06 07 08 09 011 010

Halkaan ka dhageyso Warbixin ku Saabsan Kulanka Warbixinta Cismaan Turaabi Saxda ah ee Cambaareynta

_______________

RBC Radio
Qardho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles