Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka SoomaaliyaC/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta u ambabaxay wadanka Ethiopia,waxaana wasiirka garoonka kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda, wasiirka oo warbaaahinta shir jaraa’id u qabtay ka hor inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa sheegay inuu u kicitimayo wadanka Ethiopia oo uu sheegay inuu wadahadalo kula soo qaadan doono madaxda dowladda Ethiopia.
Wasiirka yaaa sheegay inuu masuuliyiinta dowladda Ethiopia uu kala hadli doono arimo quseeya xiriirka labada dal iyo sidii ay Soomaaliya iyo Ethiopia u yeelan lahaayeen Iskaashi dhan walba ah,wuxuuna si gaara carrabka ugu dhuftay inuu kulan la qaadan doono wasiirka difaaca dalkaas oo uu sheegay iney ka wada hadli doonaan sidii loo adkayn lahaa amniga gobolka Geeska Afrika.
C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dhigiisa dalka Ethiopia ay isla soo qaadi doonaan sidii Kooxda alshabaab looga sifayn lahaa gobolka gaar ahaan gobolada dalka Soomaaliya oo wali qaybo kamid ah ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha alshabaab.
Dowladda Ethiopia ayaa Milateri ahaan iyo Siyaasad ahaan Saamayn weyn ku leh dalka Soomaaliya,ciidamo aad u fara badan oo aan qayb ka ahayn hawlgalka AMISOM ayaa Ethiopia ka jooga gayiga Soomaaliya,kuwaas oo gobolo dhowr ah ka saaray alshabaab.
RBC Radio
Muqdisho