Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamo boolis ah oo Tababar looga furay magaalada Beledweyne

$
0
0

boolis tababaranayaBeledweyne (RBC Radio) Ciidamo la doonayo iney qayb ka noqdaan booliska gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa tababar looga furay magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,Munaasabadda xariga looga jarayey Tababarka la siinayo dhalinyarada laga soo aruuriyey magaalada Beledweyne ee loo tababarayo iney qaybta ka noqdaan booliska gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka gobolka Hiiraan,Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkaas.

Tababarka ciidankan  oo ay bixinayaan Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ciidamadan booliska ah looga furay Xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa walaalaha Tabuuti ee Hiil-walaal uga mahadceliyey taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku booriyey askarta tababarka loo furay iney ka faa’iideystaan Tababarka  si ay gacan uga geystaan sugidda amniga gobolka Hiiraan.

Cabdi Faaraq Laqanyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa dhanka kale kormeeray dhismayaal dhowr ah oo ciidamada Jabuuti ay ka hirgaliyeen gudaha Xerada Lama-galaay,wuxuuna ugu baaqay dhammaan shacabka reer Hiiraan iney ka qayb qaataan dhismaha ay ciidamada Hiil-walaal ka wadaan Xeradaas.

Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa intii ay joogeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay si dhab ah isku garab taageen bulshada ku dhaqan magaaladaasi,mana aha markii ugu horeysay ee ay ciidamo reer Hiiraan ah Tababar siiyaan.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles