Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waqti mucayin ah u qabatay iney Saxaafadda madaxa bannaan ee dalka ka hawlgasha ay isku soo diiwaan galiso,wasiirka warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo maanta shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa kaga dhawaaqay in muddo 45 cisho ah ay dhammaan warbaahinta dalka ka hawlgasha isku soo diiwaan galiyaan.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ciddii aan isku soo diiwaan galin mudadaa 45ta cisho ah ineyan dowladda Soomaaliya u aqoonsan doonin Saxaafad Soomaaliyeed,”Wasaaradda warfaafintu waxay rabtaa iney idiin sheegto in 45 cisho gudahood oo ka bilaabanaysa maanta inaad isku diiwaan galisaan,Idaacad,Telefishin,Website,Filim,Wargeys,ciddii aan mudadaas isku diiwaan gelin waxaan u aqoonsan doonaa ineysan ka mid ahayn warbaahinta Soomaaliya”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
Wasiirka ayaa beeniyey warar sheegaya in sharciga ay ku jiraan qodobo dhibaato ku ah wariyaasha Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin inuusan warbaahinta ka hawlgali karin qof ay da’diisu ka yar tahay 40 jir,wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay been abuur aan sal iyo raad toone lahayn.
Wasiirka ayaan ka hadlin sida ay ka yeelayaan warbaahinta ka hawlgasha deegaanada aysan ka arimin dowladda federaalka Soomaaliya ee ku yaalla gobolada qaar ee dalka.
Sharciga Warbaahinta ayaa waxaa dhawaan meelmariyey golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaana lagu wadaa in dhawaan la horgeeyo golaha baarlamaanka fedeeaalka Soomaaliya oo ka gaari doona go’aanka kama danbaysta ah iney meel mariyaan ama ay diidaan.
RBC Radio
Muqdisho