Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Generaal C/llaahi Siciid Samatar: Faroole Xilka ha wareejiyo Isimadana Arintii dhacday haka hadleen.

$
0
0
Gen Cabdullaahi Siciid Samatar/Sawirka Raxanreeb.com

Gen Cabdullaahi Siciid Samatar/Sawirka Raxanreeb.com

Qardho (RBC RADIO) Generaal C/laahi Siciid Samatar oo horay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka booliiska uga soo noqday Puntland oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOAda ayaa sheegay in Shacabka Reer Puntland ay ka hor tageen Juujuubkii iyo Qasabkii uu ku waday Madaxweyne Faroole taasi oo la xiriirtay Arimaha Doorashooyinka oo aysan dadku u bisleen sida uu sheegay Generaalku.

“ Waxaa iska cadeed in Doorashooyin aysan ka dhaceyn Puntland oo Faroole uu Gurbaankaasi kaligiis tumanayay hadana waa lasoo afjaray Riyadii uu ku jiray, waxaan leeyahay 4tii Sano way dhamaatay 6bil oo xaq darro ah ayaa hada ku fadhidaa kursiga isaga dag oo ka shaqee Danta Puntland hadalka aad hada qaadatayna wax macno ah keeni mayaan oo horay ayaan kuugu sheegnay ineysan macquul ahayn danna waa kugu kaliftay oo meel kale oo kuu banaan ayaad weyday Sidaana waxaa yiri Generaal C/laahi.

Generaalku wuxuu sheegay in Caburin ay ka jirto Puntland oo Saxaafadu aysan ka hadli Karin xaqiiqda dhabta ah, inaan la samayn Hub aruurin Tirakoob la’aan ay jirto intaas oo dhan iyadoo la ogyahay ayuu sheegay Generaalku in Xukuumada Puntland ay qasab iyo xoog ku waday umada Puntland sida uu hadalka u dhigay C/laahi Siciid Samatar oo u waramayay VOA da.

C/laahi Siciid Samatar wuxuu ka tacsiyeeyey Dadkii ku dhintay Dagaalkii Qardho wuxuuna isimada ku tilmaamay kuwo lug ku leh dhibaatadii dhacday Maadaama loo baahnaa in arinta xili hore ay soo farageliyaan, wuxuu nasiib wanaag ku tilmaamay in 20ka Bishan lagu wado in Isimadu ay yeeshaan Shir sida uu sheegay lagu badbaadinayo Puntland sidaa darteedna loo baahan yahay in ay ka taliyaan aayaha Puntland shacabka dhiigoodana Badbaadiyaan sida uu jeneraalku hadalka u yiri.

Generaal C/laahi oo lagu tiriyo in uu ka mid yahay Mucaaradka ku kacsan Xukuumada Madaxweyne C/Raxmaan faroole dhawr jeerna horay uga digay in Doorshooyin ay ka dhacaan Puntland ayaa hadalkiisa kusoo beegmeysaa iyadoo Magaalada Qardho ay ka dheceen Dagaalo Sanaadiigdii Doorashooyinkana lagu gubay Qaybo ka mid ah Gobolada Karkaar Mudug iyo Sool.

RBC RADIO

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles