Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga hadlayo ka hortagga isku dhacyada iyo dhalinta nabadda oo wadamada Bariga Afrika uga furmay magaalada Khartuum

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wafti ka socda wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan oo ay kaga qaybgalayaan shir looga arinsanayo ka hortagga isku dhacyada iyo sida nabadda loo dhalin karo.

Shirkan ayaa waxaa qabanqaabiyey  Urur Goboleedka IGAD,waftiga ka socda  dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hogaaminaya agaasimaha waaxda xiriirka caalamiga ah ee wasaaradda arimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Daahir C/raxmaan,waxaana xubno ka ah mudane ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Labo xubnood oo ka kala socday Ururada dhalinyarada iyo haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Shirka oo shalay ka furmay magaalada  Khartuum ee caasimadda wadanka Suudaan ayaa waxaa inta uu socdo lagu falan qayn doonaa siyaabaha looga hortagi karo loona joojin karo khilaafaadka iyo isku dhacyada ragaadiyey wadamada k bahoobay urur Goboleedka IGAD.

Marka ay masuuliyiinta shirkan ka qaybgalaya isla meel dhigaan islana gartaan sida khilaafaadka looga hortago ayaa waxa ay dhanka kale doodo iyo daraasaad ku samayn doonaan sida loo dhalin karo nabad ay ku wada noolaadaan bulshada ku wada dhaqan Mandiqadda Bariga Afrika.

Bulshada ku nool wadamada bariga Afrika ayaa waxaa daashaday colaado iyo dagaalo soo jireen ahaa oo salka ku haya , dhul daaqa,Ceelal biyoodyada iyo arimaho kale ,waxaana dhanka kale jiray dagaalo salka ku haya dhul ballaarsi  siyaasad salka ku haya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles