Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowlada oo Sheegtay inaan la Gaarin Xiligii la Samayn Lahaa maamul Goboleedyada Xubnaha ka Noqonaya Dowlada Dhexe

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in xiligan aysan diyaar ahayn shuruccdii maamul goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowlada federaalka Soomaaliya wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday ineysan habooneen in fara lala galo samaynta maamul goboleedyada dalka maadaama aysan waqti xaadirkan diyaar ahayn nidaamkii iyo shuruucdii lagu hagi lahaa maamulada dhismaya.

Jaamac Axmed Max’ed  wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu masuul ka yahay diyaarinta shuruucda iyo nidaamka maamul goboleedyada dalka ka dhismaya wuxuuna tibaaxay in xiligan aysan baarlamaanka u diyaarsaneen shuruucdaasi,taasine aysan saamaxayn in lagu dhaqaaqo samaynta maamulada ilaa uu dastuurka Soomaaliya qaato kaalintiisa ku saabsan maamul goboleedyada.

Jaamac Axmed Max’ed ayaa sheegay in qodobka 49 ee dastuurka dalka uu dhigayo tirada iyo xuduudaha maamul goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowlada dhexe waxaa soo diyaarinaya baarlamaanka federaalka ah,wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka uusan wali fursad u helin inuu safaro ku tago gobolada dalka si uu tirakoob iyo xuduudaha gobolada maamu goboleedyada samaysanaya.

Hadalka wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa kusoo beemay xili uu muran xoogan ka taagan yahay samaynta maamul goboleedyada iyo habka loo marayo intaba ,dowlada Soomaaliya ayaa meel cad ka istaagtay samaynta maamul goboleed aan loo marin hab sharci ah.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles