Garoowe[ RBC Radio] Hay’adda Horumarinta Nabadda iyo Cilmi-baarista Puntland ee PDRC ayaa ku dhawaaday Guddi ka kooban Sagaal xubnood oo kormeeraya kuna sameynaya dabagal Doorashooyinka Gollayaasha deegaanka ee Puntland ee lagu wado iney dhacaan 15.July 2013.
Guddigan cusub oo lagaga dhawaaqay Xarunta PDRC ee Garoowe ayaa waxaa kazoo qeybgalaya Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre,Aggaasimaha PDRC Shuuke,Kuxigeenkiisa Cali Faarac Faramyeeri iyo Xubno kale.
Agaasime Kuxigeenka Hay’adda Horumarinta Nabadda iyo Cilmi-baarista Puntland ee PDRC oo faah-faahin ka bixiyey waxa ay yihiin Xubnaha Guddiga Kormeerka iyo Shaqadoodu ayaa sheegay In soo xulistoodu ay muddo badan ku qaadatay.
…”” Wakhti dheer ayey nagu qaadatay runtii hawl badan baa naga gashay in aan soo xulno iyadoo horay lanoogu igmaday in PDRC soo xusho xubnahaas ka bacdina la wadaagto Guddiga Doorashooyinka iyo Wakiiladda Ururada Siyaasada…””ayuu yiri Cali Faarax Faramyeeri.
Mudane Cali Faarax Faramyeeri ayaa mid mid u sheegay Magacyada xubnaha ku jira Guddiga iyo khibradaha ay u leeyihiin hawsha adag ee loo igmaday,kuwaas oo kala ah :
1. Nuur Maxamed Nuur
2. Cabduqaadir Jaamac Faarax Weyrax.
3. Cabdirixmaan Diiriye Samatar.
4. Siciid Cali Maxamed
5. Maxamed Ismaaciil Maxamed
6. Cabdi Faarax
7. Aamina Jaamac Cabdi
8. Aamino Xasan Cali Maax
9. Maxamed Caynab Maxamed
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre ayaa sheegay in uu si weyn usoo dhaweynayo Guddiga cusub ee la magaacay,wuxuuna EEBE uga baryey in hawsha adag u fududeeyo.
Maxamed Xasan Barre ayaa kula dardaraamay Xubnaha Guddiga Kormeerka Doorashooyinka Gollaha deegaanka Puntland in ay Saxaan,ka warbixiyaan isla markaana dabagal ku sameeyaan arrimaha Doorashooyinka.
…”” Guddigiinan waxaa maanta idin horyaala inaad dabagashaan,fiirisaan ka warbixisaan,saxdaan Doorashada,Waxaan idinku hambalyeynayaa idina rajeynayaa in Ilaahay idin fududeeyo xilka idin saran….””ayuu yiri Maxamed Xasan Barre.
Hay’adaaha PDRC Iyo Interpeace ayuu uga mahadceliyey Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre sida wanaagsan ay uga qeybqaadanayaa Hannaanka Dimuqraadiyada Puntland ee looga gudbaayo nidaamka Qabiilka.
Si kastaba Guddigan cusub ayaa shaqadiisa ugu weyn noqoneysaa iney Kormeeraan habsami u socodka Doorashooyinka Puntland oo lagu wado in bisha July 15-keeda ka dhacaan Puntland
____________
RBC Radio