Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Muqdisho:Dugsiyo waxbarasho oo Ururka Iskaashiga Islaaamku uu dalka ka dhisayo oo midkii ugu horeeyey maanta la dhagax dhigay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Mashaariic xiriir ah oo ururka Iskaashiga Islaamka uu ka fulinayo dalka Soomaaliya ayaa maanta qaybtii ugu horeysay la dhagax dhigay,munaasabada dhagaxdhiga Mashruucan oo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ay ka fulinayo dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirrada arimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo adeegga bulshada.

Ururka Iskaashig Islaamka ayaa Mashruucan ku dhisaya 33 Iskuul oo ay wax ku baran doonaan ubadka Soomaaliyeed muddo  hal sano ah,waxaana Mashruucan Maalgalinaya dowladda boqortooyada Sucuudiga,maanta ayaa la dhagax dhigay Iskuulkii ugu horeeyey.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo goobta  dhagax dhigga ka hadlay ayaa ururka ISkaashiga ISlaamka ee OIC ugu mahadceliyay fulinta mashaariicdan horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan,kuwaas oo ay ka faa’iideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed,Wasiirka horumarinta adeega bulshada xukuumadda soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa iyadune   Ammaantay dadaalaka dib loogu dhisay goobaha waxbarashda dalka ee uu hormuudka ka yahay Ururka Iskaashiga dalalka Islaamka.

Maxamed Iidle sabriya oo ah Ku xigeenka madaxa ururka iskaashiga islaamka ee soomaaliya ayaa sheegay in Mashaariicdan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 50 Kun oo arday,wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney fursado shaqo ka heli doonaan  shaqa ka heli doonaan 4 Kun oo ruux.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles