SHARCI L……………….:
DHISMAHA GUDDIGA XUQUUQDA AADANAHA
1. Iyada oo la dhaqan gelinayo Qod.41aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa sharcigan lagu dhisayaa GUDDIGA XUQUUQDA AADANAHA oo heer Federaal ah.
2. Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, waa hay’ad madaxbannaan oo leh shakhsiyad qaanuuni ah.
Qod. 2aad
Xarunta Guddiga
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, waxay xaruntiisa rasmiga ahi noqonaysa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, isagoo xilkiisuna ku fidsan yahay geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhan.
Qod. 3aad
Xubnaha Guddiga
1. Tirada xubnaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha, waxay noqonaysaa 9(Sagaal) oo ah xeeldheerayaal xuquuqda aadanaha (qaanuunka iyo Shareecada).
2. Tirada xubnaha Guddiga oo Faqradda 1aad ee qodobkan ku xusan iyo magacyadoodaba waa in laga ansixiyaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
3. Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, wuxuu adeegsan karaa khubaro gacan ka siisa gudashada xilkiisa.
4. Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, wuxuu adeegsanayaa shaqaale maamul oo lagu dhaqayo sharciga shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda.
Qod. 4aad
Shuruudaha Guud ee Xubnaha Guddiga
qofka Xubin ka noqonaya Guddiga Xuquuqda Aadanaha, waxaa laga doonayaa shuruudaha hoos ku qoran:
1. Inuu yahay muwaadin Soomaali ah,
2. In aysan Da’diisu ka yarayn 40 jir,
3. In uu Leeyahay aqoon heer Jaamacadeed oo uu ku fulin karo xilkiisa,
4. In aysan Maxkamadi go’aan kama dambays ah ka gaarin dembi oo uu galay,
5. Waa in uu Leeyahay waaya–aragnimo la xiriirta arrimaha Xuquuqda Aadanaha,
6. W aa in uu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo u suurta gelin karta gudashada xilkiisa,
7. Uu leeyahay dhaqan iyo asluub wanaagsan.
Qod. 5aad
Luminta Xubinnimada Guddiga
Xubnaha Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, waxay ku waayi karaan xubinmadooda, haddii:
1. Uu istiqaalo ka geeyo xubinimada Guddiga.
2. Caafimaadku u saamixi waayo gudashada xilkisa.
3. Maxkamadi go’aan kama dambaysa ah ka gaarto dembi culus oo uu galay.
4. Haddii guddi hoosaadka anshaxu soo jeediyo go’aan, xubnaha kale ee guddiguna ku raacaan.
Qod. 6aad
Xilalka iyo hab-raaca Guddiga
1. Ujeeddooyinka iyo xilalka loo asaasayo Guddiga Xuquuqda Aadanaha, waxaa ka mid ah:
a) Baahinta dhaqan ku salaysan aqoonta iyo xurmaynta xuquuqda aadanaha,bulshada soomaaliyeed dhexdeeda, iyada oo la waafajinayo shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban ee ummaddeenna;
b) Dejinta halbeegyada iyo farsamooyinka loo adeegsanayo taabbagelinta waajibaadka xukuumadda kaga aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha;
c) Dabagalka iyo baarista eedaha la xiriira ku xadgudubka xuquuqda adanaha oo ka dhaca dalka gudihiisa, cid kastaa ha gaysatee sida hay’adaha xukuumadda iyo ciidammada qalabka sida;
d) Qabashada cabashooyinka la xiriira ku xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabadkooda, haddii ay jiraan xadgudubyo loo gaystay xuquuqda aadanaha;
e) Inay iskood ama ka dib cabasho soo gaartay u baaraan ku xadgudub xuquuqda aadanaha oo lala xiriirinayo hay’ad xukuumi ah, kana bixiyaan talooyinka lagu hagaajinayo;
f) Hubinta sidii loo hor gayn lahaa maxkamadda awoodda u leh eedaysanayaasha loo qabto ama lagu tuhunsan yahay ku xadgudubka xuquuqda aadanaha;
g) Diyaarinta warbixin sanadeedka ku saabsan daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dhinaca xukuumadda oo loo gudbinayo Baarlamaanka iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay khusayso;
h) La socodka iyo ka jawaabidda warbixinnada hay’adaha caalamiga ahi ka qoraan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la xiriira xuquuqda aadanaha;
i) Ka qaybgalka shirarka looga hadlayo arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha dibadda iyo gudaha;
j) Dhiirri-gelinta iyo xiriirinta hay’adaha kale oo ku hawlan ilaalinta xuquuqda aadanaha oo dalka ka jira, iyo
k) Dhaqan-gelinta xil kasta oo Guddigu u arko inuu waxtar u noqonayo kobcinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, si aan ka hor imaanayna dastuurka.
2. Hab-raaca Guddiga Xuquuqda Aadanuhu u adeegsanayo la tacaalidda xadgudubyada ka soo horjeeda xuquuqda aadanaha, waa inuu waafaqsanaadaa shareecada Islaamka, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shuruucda dalka, heshiis goboleedyada iyo kuwa caalamiga ah oo dawladdu dhinaca ka tahay.
Qod. 7aad
Awoodaha Guddiga
Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, si uu habsami ugu fuliyo xilkiisa, waxaa sharcigani siinayaa awoodaha hoos ku taxan:
(a) in uu cid kasta oo lagu tuhmo ku xad-gudub xuquuqda aadanaha ugu yeeri karo wareysi la xiriira arrinkiisa, warsanna karo dokumenti iyo wax kasta oo la xiriira baarista,
(b) In uu cid kasta warsan karo xog, dokumenti iyo waxyaaba kale oo baaris uu wado la xiriira, iyo
(c) In uu adeegsan karo ciidammada ilaalinta nabadgelyada iyo ciddii kale oo gacan ka gaysan karta baarista guddiga.
Qod. 8aad
Madax-bannaanida Guddiga
1. Madaxbannaanida Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, waa mid buuxda oo marka si buuxda loo dhammaystiro dhismihiisa, wuxuu u hogaansamayaa Dastuurka JFS, shuruucda dalka, heshiisyada Goboleed iyo kuwa Caalamiga ah oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhinaca ka tahay.
2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn faritaanka Faqradda hore ee qodobkan, Giddiga Xuquuqda Aadanuhu wuxuu wada shaqayn buuxda la yeelanayaa Wasaaradda Garsoorka, Arr. Diinta, Awqaafta, Dastuurka, Arr. Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Qod. 9aad
Muddada Xilka iyo Qiimaynta Guddiga
1. Muddada xilka Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, waxay tahay 4(Afar) Sano oo hal mar ah loo cusboonaysiin karo, qaarkood ama kulligood;
2. Cusboonaysiinta muddada xilka guddiga, faqradda hore ee qodobkan ku xusan, waxaa loo cuskanayaa waxqabadka ay xubnaha Guddigu muujiyeen muddadii ay shaqaynayeen oo 4ta Sano ahayd.
Qod. 10aad
Maamulka Dhismaha Guddiga
1. Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, wuxuu yeelanayaa Guddoomiye, Ku-xigeen iyo Xoghaye ay isaga dhex dooranayaan xubnaha guddigu, qaabka codka haldheeriga ah oo mas’uul ka noqonaya maamulka Guddiga;
2. Guddigu Xuquuqda Aadanuhu wuxuu yeelanayaa shaqaale maamul oo la waafajinaayo sharciga shaqada iyo shaqaalah rayidka ah ee dowladda.
Qod. 11aad
Dhaqaalaha Guddiga ku hawlgelayo
Xukuumaddu waa inay uga qoondaysaa miisaaniyadda dhaqaalaha iyo qalabka uu guddigu u baahan yahay, si uu xilkiisa ugu fuliyo madaxbannaani buuxda.
Qod. 12aad
Xuquuqda iyo Xasaanada Guddiga
1. Guddiga Xuquuqda Aadanahu, wuxuu kala mid noqonayaa xuquuqda guddiyada kale oo ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka ka jira oo sharci gaar ah lagu soo saari doono;
2. Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, wuxuu yeelanayaa xasaanadda sharciga u aqoonsado Guddiyadda Madaxa-banaan ee dastuuriga ah.
Qod.13aad
Dhaarta
Dhammaan xubnaha Guddiga Xuquuqda Aadanuhu, waxay marayaan dhaarta ku xusan Qod.104 ee Datuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Wasiirka Garsoorka, Arr. Diinta, Awqaafta, Dastuurka, Arr.Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta hortiisa.
Qod. 14aad
Gacansiinta Guddiga
1. Dhammaan hay’adaha xukuumadda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa ajnabiga ahba oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa in ay gacan ku siiyaan, una sahlaan guddiga gudashada xilkiisa.
2. Ciddii ku samaysa is-hortaag baaris Guddigu wado, ama ka hor timaada farriinta Faqradda hore ee qodobkan ku xusan, waxay mutaysanaysaa ciqaabta la xiriirta falkeeda.
Qod. 15aad
Dhaqangalka Sharciga
Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa, marka Baarlamaanku oggolaado, Madaxweynuhuna uu Saxiixo.
Qod. 16aad
Burin
Waxaa la burinayaa sharci kasta oo ka soo horjeeda ama aan la socon karin sharcigan.