Boosaaso[RBC Radio] Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa laga furay Xafiis ka shaqeyn doona xalinta khilaafaadka ka dhex dhaca ganacsiga sida Shirkadaha arrimaha la xiriira ee dhanka ganacsiga iyo soo saarista Fiisooyinka
Waxaana sidoo kale uu qaban doonaa in bulshada reer Puntland uu u fududeeyo in u soo saaro Fiisayaasha dalalka Turkiga, Shiinaha,Pakistan,Malaysiya.
Guddoomiyaha Xafiiska la talinta khilaafaadka ganacsiga Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) oo RBC Radio ugu waray magaaladda Boosaaso ayaa ka warbixyey arrimaha uu qabanayo Xafiiskoodu.
Wuxuu sheegay in Xafiiskoodu uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka iyo khilaafaadka maamul ee ganacsiga ka dhex dhasha isla markaana ay siin doonaan tallooyin wax ku ool ah.
…”””Xafiiskan wuxuu wax ka qabanayaa una furanyahay kala talinta iyo khilaafaadka dhibaatooyinka maamulka gaanacsiga iyo kuwa sida gaarga ah loo leeyahay haddii khilaaf dhexyimaado……”””ayuu yiri Abshir Axmed Yuusuf.
Mudane Abshir Axmed Yuusuf ayaa xusay in sidoo kale tallooyin iyo la talin siin doonaan qofka doonaya in uu ganacsi bilaabo watana lacagtiisa balse aan garaneyn goobta uu ku jihayn lahaa ganacsigiisa,wuxuuna intaas ku daray in Xafiiskoodu uusan khusayn ama shaqo ku lahayn arrimo Siyaasadeed.
…..””” Qofkii raba inuu ganacsi ama uu lacag haysto una garan waayo wuxuu ka qabto lacagta inaan si fudud u siino la talin sida ugu haboon ee u ku qabsan karo,Xafiiskan ma khuseeyo wax Siyaasad ah ma hoos yimaado…””ayuu yiri.
Fiisayaasha.
Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) ayaa sidoo kale RBC Radio u sheegay in Xafiiskoodu u qaban doona bulshada reer Puntland in afar wadan oo Caalamka kamid ah Fiisayaashooda usoo saari doonaan,taasina ay tahay fursad loo baahanyahay iney ka faa’ideystaa.
Fiisayaasha Xafiiskoodu soo saari ayuu ka sheegay iney yihiin wadamada ,Shiinaha,Pakistan iyo Malayshiya,waxayna yihiin Fiisayaasha ay qeybaha Caafimaadka,Ganacsiga iyo Waxbarashada.
…””Xafiiskan wuxuu sidoo kale soo saaraa qeybaha Fiisooyinka dalal farabadan oo kamid ah afar wadan oo kala ah Turkiga,Shiinaha,Pakistan iyo Malayshiya, afartaas wadan Fiisooyinka ay soo saaraan waxa weeye qeybta Caafimaadka,Ganacsiga iyo Waxbarashada,……”””ayuu yiri Mr Abshir.
RBC Radio oo weydiisay Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) sababa xiligaan ku dhaliyey in Xafiiskan ka furan Boosaaso iyo baahiyaha keenay ayuu kaga Jawaabay…..!!!!!
JAWAAB……””” Wallaahay waxa nagu dhaliyey khaasatan magaaladda Boosaaso waa magaalo aad u weyn oo ah magaalo madaxda ganacsiga Puntland sidaa darted waxaan aragnay markii aan dalka khaasatan anigu aan imi waxan arkay waxyaalo badan oo fursado ah oo dalka dhexyaala oo ah qeybta Ganacsiga,waxaana garowsanahay in Shirkadaha isu keeno si ay si mideysan wax u wada qabsadaan iskuna darsan karaan Ganacsigooda….”””ayuu yiri Abshir.
Guddoomiyaha Xafiiska la talinta khilaafaadka ganacsiga Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) ayaa gabagabadii tallooyin usoo Jeediyey dhalinyarada Tahriibta galeysa iyo kuwa waxbartay,wuxuuna kuwa Tahriiba kula taliyey in dalkooda joogaan isagoona arrimahaas u sababeeyey shaqo la’aan dalka ka jirta.
Halkan ka Dhageyso Waraysiga ay Raxanreeb la Yeelatay Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf Guji Halkan
NB: Waxaa Wareysiga qaaday Cismaan Turaabi
___________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso