Garoowe (RBC RADIO) iyadoo wasaaradu ka duuleyso munaasabada Maalinta caruurta Africa waxay wasaaradu deeg Raashin ah u qeybisay Caruurta Qoysas danyar ah oo ku nool Magaalada Garoowe waxaana sidoo kale gargaarkaasi uu ka dhacay dhamaan Gobolada Puntland iyadoo lagu dabaqayo Munaasabada Maalinta Caruurta africa ee 16ka June Sanadwalba la xuso sida ay sheegeen Madaxda Wasaarada haweenka iyo hormarinta arimaha bulshada ee Qoyska.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka Puntland Mar uu ka hadlayay Kulan lagu qabtay Xarunta Wasaarada ee Magaalada Garoowe wuxuu xusay in Qorshaha ugu horeeya ee wasaarada uu yahay ka warheynta caruurta Meel kasta oo ay joogaan wuxuu kaloo ka tacsiyeeyey 4Caruur ah oo ku geeriyooday Dab qabsaday Kaam ajuuraan oo kuyaala Magaalada Garoowe Isagoo sheegay in wasaaradu intii karaankeed ay dadaaleyso kana shaqeyneeso danaha bulshada iyo Qoyska.
Wasiirka Wasaarada haweenka Puntland Marwo Xaliimo xaaji xasan oo kulanka soo gunaanaday waxay sheegtay in Qorshaha uu ugu jiro in Caruurta agoomaha ah iyo kuwa danyarta ah la geeyo goobo wax barasho si mustaqbalkooda dambe ay meel isaga soo saaraan waxay kaloo wasiiradu tilmaantay in raashinka ay bixisay Wasaarada loola danleeyahay in lagu kaabo qoysaska aan awooda badan lahayn muhiimaduna ay tahay in la dhiso mooralka Caruurta oo ah jiilka soo koraya.
arintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay jiraan caruur baan oo Dan yar ah kuwaasi oo ku dibaateysan Gudaha Gobolka Taageero rasmi ahna aan heysan inkastoo hooyo ka mid ah Dadkii raashinka la siinayay ay wasaarada Haweenka Puntland ku tilmaantay in ay tahay Shumac usoo iftiimay dadka Danyarta ah iyo kuwa laga tirada badan yahay ayna noqondoonto maalin xusuus mudan taageerada ay ka heleen Wasaarada haweenka Puntland mar ay raxan-Reeb .com u warameesay.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.