Gaalkacyo[RBC Radio] Maamulka gobolka Mudug ayaa ka warbixiyey waan waan muddi danbe lugu wadey khilaaf ka dhashey boos dhul ah kaaso ku yaal magaaladda Gaalkacyo.
Dhuulkan ayaa is qab qabsigisa waxaa ka dhashey dhimashada labo qof halka tiro kalana ay ku dhaawacmen.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maantey lahadley warbaahinta ayaa sheegey inay si nabad galyo ah lugu wado sidii loo xalinlaha khilaafkaasi, isagoona intaa ku darey in xiligaan ay socdaan dadaalo ay wadaan maamulka iyo odayaasha dadaalkasi oo lugu doonayo in qab nabad galyo ah lugu dhameeyo khilaadkasi ka dhashey dul ku yaal magaaladda.
Axmed Muuse Nuur ayaa sidoo kale hadalkisa ku soo qadey in labadi dhinac ee dhawan dhulka isku qabsatey islamarkana khaasara isgarsiisey in xiligaan la is horkeeni doono islamarkana la xalin doono dhamanba wixii qaldan.
Dhawaan ayey ahyed marki dhul kuyaala duleedka waqooyi ee magaaladda Gaalkacyo ay laba dhinac oo wada daga magaaladda isku qabsaden la hanshiyihisa iyadona isku dhac dhex maray uu sabbaabey dhimashada labo ruux iyo dhawac kale balse hadda la qaboojiyey arrimahi oo ay ku lug darsadeen si loo xaliyo maamulka gobolka iyo odayaasha.
RBC Radio