Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda federaalka oo maanta baarlamaanka u gudbisay sharciga Maalgashiga Soomaaliya

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Xafiiska R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta xog-haynta baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyey hindise sharciyeedka maalgashiga dalka oo  ay xukuumadda hore ugu soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya,sharciga ay wasaaraddu soo gudbisay ayaa waxaa hore iskugu raacay golaha wasiirada xukuumadda.

Sharcigan ayaa la go’aamiyey in la hordhigo golaha baarlamaanka Soomaaliya si ay u meelmariyaan ama ay u diidaan,waxaana maanta la gaarsiiyey xafiiska xog-haynta gudoonka baarlamaanka Soomaaliya si loo  u hor geeyo kulamada mudanayaasha baarlamaanka si ay uga doodaan sharciga oo ka mid ah shuruuc dhowr ah oo xukuumaddu ay baarlamaanka u gudbisay.

Xog-hayaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya Calas Maxamuud Jaamac oo warbaahinta la hadlayey  ayaa uga waramay  ahmiyadda iyo faa’iidada uu dalka u leeyahay sharciga xafiiska R/wasaaruhu uu u gudbiyey xog-haynta gudoonka baarlamaanka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in hadii sharcigan ay meelmariyaan mudanayaasha baarlamaanku  uu horseedi doono  isbedel iyo kobac dhanka dhaqaalaha oo dalku uu ku tallaabsado.

Xog-hayaha golaha wasiirada ayaa intaa ku daray in sharcigan uu fursad siinayo dadka doonaya iney maalgashadaan dalka,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in hadii sharciga uu dhaqan galo ay dalka soo gaari doonaan ajaanib iyo Soomaali doonaya iney dalka Maalgashi ku sameeyaan,kuwaas oo sida uu tilmaamay u xayiran hirgalinta sharciga maalgashida dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku hawlan dib u dhiska shuruucdii iyo hay’adihii dowliga ahaa ee dalka,si ay dowladdu u amba qaaddo hawlaha adag ee horyaalla xiligan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles