Haddii Ismaaciil Buubbaa loo magacaabo Raysal-wasaare Muxuu ku soo kordhin karaa Soomaaliya?
Cabdifataax I. Mursal
mrmursal@gmail.com
Maarso 15 2013
Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbe, ayaa dhawaanahan si weyn loo hadal-hayaa in loo magacaabayo Raysal-wasaaraha dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, waxaana hadal-haynta magacaabista Prof: Buubbaa aad looga dareemay guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto, gaar ahaan Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Inkasta oo Ismaaciil Buubbe uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Gobolada Waqooyi “Somaliland” oo 18-kii May 1991-kii ku dhawaaqday inay gooni isaga-taagtay Jamhuuriyada Soomaaliya, haddana waxa uu aamminsan yahay mabda’a Soomaaliya in ay mid qura tahay, waxaanu muddo ka shaqeeyey, isla markaana aad isugu mashquuliyey sidii loo heli lahaa dib-u-heshiisiin iyo nabadgelyo dhammaystiran oo Soomaalida laga dhex-abuuro. Si taas ka dibna loo helo Midnimo dhex-marta Soomaalida.
Haddaba, waxay dad badani is-weydiinayaan su’aalo kala duwan.
1- Haddii Ismaaciil Buubbaa loo magacaabo Raysal-wasaaraha Soomaaliya muxuu ku soo kordhin karaa Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo?
2- Halka ay dadka qaar is-weydiinayaan Prof: Buubbaa muxuu ka beddeli karaa siyaasadda dawladda Soomaaliya haddii xilkaa loo magacaabo?
3- Muxuu-se dalka iyo dadka Soomaaliyeed isaga iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono hadduu jagadaa qabto ku kordhin karaan?
Haddii Qalinku isku-dayo inuu si guud-mar ah uga jawaabo su’aalahaas, waxay Soomaalidu ku maah-maahdaa ama tidhaahdaa; ‘Nin aad taqaan waad la joogtaa’. Taa waxaynu uga soconnaa Prof: Ismaaciil Buubbe maaha Nin ku cusub Soomaalida, ee waa nin la garan karo ama la suurayn karo hoggaamintiisa iyo hagistiisa siyaaadeed, waana Siyaasi shaqsi ahaan iyo siyaasad ahaanba wax badan ku soo kordhin kara guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dawladda aan ku-meel-gaadhka ahayn ee waqtigan jirta, lana odhan karo waxa uu is-faham iyo wada-shaqayn fiican ka dhex abuuri karaa Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaa laga-yaabaa, jawaabaha qalinku ka bixiyey su’aalaha kor ku xusan inay dad badani u arkaan inaynu ku deg-degnay ama ay jeclaysanayaan inaan sababeeyo ama Qalinku daliil u sameeyo jawaabahaas. Laakiin, waxaan leeyahay ha iga deg-degina, waayo? Sidaa idinkagamaan tegin ee waan idinla joogaa, Qalinkuna ma qallalin ee qoraalka wuu wadaa.
Hase-ahaatee, haddaynu ku soo dhawaanno daliilka aynu soo qaadan karno ama tusaalaha-ba innoogu filan, aynu milicsanno Xogo iyo Warbixinno qalinku ka soo xigtay Dad aqoon fiican u leh iyo Siyaasiyiin ay saaxiibbo dhaw yihiin Ismaaciil iyo weliba intaan anigu ka aqaan sifooyinkiisa shaqsiyadeed, hoggaaminta iyo wax-qabadka Siyaasigaaas. Aynu ku horraynee, Ismaaciil Buubbe waqtiyadii uu ka midka ahaa Xukuumadihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya loo dhisay, waxa uu ahaa Masuul siyaasad ahaan si aad ah uga dhex-muuqan jiray Xukuumadahaas oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay, waxa uu ahaa Siyaasi Warbaahinta caalamku wax ka weydiin jirtay xaaladda Soomaaliya halka ay marayso iyo siyaasadda Xukuumadda uu ka tirsan yahay.
Waxaa aynu badi xasuusan karnaa Md. Buubbaa markii uu ahaa Wasiirka Waxbarashada dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxa uu ku guulaystay inuu rejo-geliyo dhalinyarada Soomaaliyeed gobol kasta oo ay kaga noolaayeen Soomaaliya, ka dib markii uu albaabbada u furay inuu Deeqo waxbarasho uga raadiyo guud ahaanba caalamka, isla markaana waxa uu hirgeliyey dhalinyaro badan oo aan qabiil, qof-jeclaysi iyo gobolaysi midna lagu xulan inuu Waxbarasho dibedeed u diro. Tallaabadaas oo aan isaga ka hor cid qaadday jirin intii ay Burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.
Ismaaciil Buubbe sida ay dad badani u yaqaannaan ama u maqleen waa Siyaasi ku ad-adag meel-marinta in la helo horumar, wada-jir iyo midnimo. Waa Siyaasi aan hadalku ka dhic-dhicin, isla markaana aan la gabban badheedhihiisa. Waa Nin aan marka uu xil hayo kursiga uga faa’iidaysan dhaqaale-urursi sida Madaxda Afrikaanku badi sameeyaan, balse taa beddelkeeda waxa uu ku dedaalaa, waqti badanna ku bixiyaa gudashada waajibaadka masuuliyadda saaran dhinac kasta oo laga eego. Waa Siyaasi dhinaca Dhaqanka Soomaalida aad ugu fiican.
Waa Shaqsi jecel, kuna dedaala isu-ururinta, isu-keenidda, wada-jirka iyo wax-wada-qabsiga Bulshada. Waa Siyaasi jecel xaalad kasta iyo khilaaf kasta oo jira in wadahadal, is-faham iyo is-qancin lagu dhammeeyo. Waa Siyaasi xidhiidh fiican oo dhaw ama ha noqdo mid diblamaasiyadeed ama shaqsiyadeede la leh dawladaha caalamka, gaar ahaan kuwa Carabta, Afrika, Yurub iyo weliba Maraykanka. Ismaaciil waa Siyaasi neceb ku dhaqanka qabyaaladda, waana Shaqsi aad u dabeecad fiican. Waa Siyaasi han iyo higsi leh, isla markaana jecel Soomaali-nimada. Waxaana intaa u dheer, waa siyaasi jecel horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed, kuna dedaala haddii uu xil hayo iyo haddaanu haynin-ba taageeridda iyo wax-la-qabashada dhalinyarada magaca Soomaaliyeed kulmiyo meel kasta oo ay ku mutaan.
Haddaba, Akhristayaal malaha qalinkaa ila-taraaray oo waan idinku dheereeyee. Markaynu caqli caafimaad-qaba iyo aragti fiican ku eegno qodobbadaas oo dhan, waxaan odhan karnaa Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, waa Siyaasi Soomaaliya wax badan ku soo kordhin kara, halka ay maanta taagan tahayna dhinaca horumarka uga sii dhaqaajin kara haddii loo magacaago Raysal-wasaaraha dalka. Isla markaana, wada-shaqayn, sii wadidda wadahadallada iyo is-faham ka dhex-abuuri kara qeybaha Soomaaliya. Sidoo kale-na, waxa uu wax badan ku soo kordhin karaa Siyaasadaha arrimaha dibedda, gudaha iyo xidhiidhka ay dawladda Soomaaliya la leedahay beesha caalamka.
Inkasta oo ay jiri karaan dad ammaan meel-weyday u arkaya sifooyinka Ismaaciil Buubbaa u gaarka ah ee aynu kor ku sharraxnay, haddana Taariikhdu been ma sheegto. Waxaanu Qalinku qabaa in dad badan oo Soomaaliyeed ama reer Somaliland ha ahaadaan ama reer Soomaaliya-ba ha ahaadaane ay soo dhawaynayaan in Buubbaa loo magacaabo Raysal-wasaare, kuwaasoo badi aamminsan inuu maanta wax badan u qaban karo ummadda Soomaaliyeed, maaddaama oo uu yahay Siyaasi ruug-caddaa ah oo wax badan fahansan, isla markaana goob-joog u ahaa Soomaaliya oo mid ah iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay qadhaadh iyo macaan-ba, maantana Illaahay ku simay inuu xaadir u ahaado halka ay marayso, garan-na kara meel kasta oo wax ka qalloocdeen, sidoo kalena keeni kara xalka wax badan oo maantadan qaldan.
Sidaa daraaddeed, waxaa Qalinku Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud kula talinayaa kol haddii uu beddelayo Raysal-wasaaraha hadda shaqeeya uu ku go’aan qaato inuu Prof: Ismaaciil Buubbaa u magacaabo jagadaas, isaga oo eegaya waaya-aragnimada siyaasadeed iyo sifooyinka shaqsiyadeed ee uu leeyahay Prof: Buubbaa. Sidoo kale, waxa uu Qalinku u soo jeedinayaa Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed haddii Madaxweynuhu Ismaaciil u magacaabo Raysal-wasaare inay ku dedaalaan ansixintiisa, maaddaama oo uu yahay qof dalka iyo dadka Soomaaliyeeed-ba dani ugu jirto hoggaamintiisa.
Cabdifataax I. Mursal:
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM