Jiilka cusub iyo qabyaalada
Abdikadir dahir farah
abdikadirf222@gmail.com
Maarso 15 2013
Qormadaan waxaan ku eegayaa kagana waramayaa heerka ay qabyaaladu ugu fiday dhalinta da,yarta ah ee soomaliyeed , intaan ku gudo jiro qormadaana waxaan insha allaahu ummada aan ka dhashay kula hadlayaa suugaan aan uga goleeyahay dib in looga joogo khatarta lagusii socdo waxaana saadaalinayaa mustaqbalka Somalia hadaan laga tegin qabyaalada sida uu noqonayo iyo rajadooda dawladnimo halka ay ku dambeynayso.
Akhristaha soomaliyeedow ummadi marka ay guul gaarayso higsad kooda mustaqbalna uu dhaboobayo, waxaa usoo baxda da,yar aad u carbisan ka dheregsan taariikhdooda, aadna u garowsan awoodooda dhalinyaranimo halka ay wax gayn karto waa kuwo huwan hami fog feejignaana leh had iyo jeer waxay ka hor mariyaan dantooda gar ahaaneed, midooda qoys tan qawmiyada balaaran ee ay kazoo jeedaan, kuwa nuucaas ahi waxaa u suurto gasha dadka ay kazoo jeedaani in ay ku tilaabsadaan harrumar wax ku ool ah lana taaban karo, aayo aad u qurux badan ayayna ku dambeeyaan, hadaba hor u socodnimada umad ama marka aad doonaysid in aad cabirtid mustaqbalka wanaagsan ee umad suurto gal u noqon kara waxa ugu horeeya ee laga eego waa dhalinta umadaas usoo kacaysa kuwaas ayaa tilmaan fiican iyo cabir intaba kuu noqon kara.
Dhanka kale taas macneheedu waxaa weeye dhalintu mustaqbal xumida umadeed qayb aad uwayn ayay sidoo kale ka qaataan, maadaama la yiraahdo dhalintu waa hugaankii iyo xoogii bedelilahaa kuwa iyagu da,da ah ee isla umadaas ka tirsan hadii ay ku mashquulaan is eegasho dhexdooda ah aana loo carbin qaadista xilalka waawayn ee umada iyo ka talinta aayaha umadaas waxaa dhacda in ay noqdaan dib usocod ka taliya khasaaraha iyo burburka gudohooda ah.
Hadaba midaas aan isku deyo inta uu illaah iga solon siiyo in aan eego mustaqbalkeena Somalia anigoo ka cabir qaadanaya dhalinta soo kacday weliba kuwooda wax bartay illeen xataa qur,aanka kariimka ah ayaa leh (masimanyihiin kuwa wax bartay iyo kuwa aan waxbaran) hadaba akhristow dhalinta soomaliyeed waxaa aad u galay oo ugu faaftay qabyaaladii aadka u xumayd ee umadeena cuuryaamisay asaagoodna ka reebtay taas waxaa cadayn kuugu filan dhalinta somaliyeed ee wax kabarata qurbaha waxa ay ku qaybsadaan xilalka jaamacadaha ay dhigtaan ee ay ka samaystaan ururada loogu talagalay in ay u adeegaan danaha ardada dalkaas iyo isku xirkooda jamacada waxa ay ku qaybsadaan habka afarta beelood iyo barka oo kuweena wawayni ay wax ku qaybsadaan kaas oo macnihiisu yahay in ay somalidu yihiin kuwo aanan sinayn arintaan oo ah mid ka jirta meel walba oo dunida ah marka lagasoo tago meelaha qaarkood, waxaa aad kaaga yaabinaya marka ay soo dhowaato doorashada madaxda jamacadaha oo raas raas iyo beel beel dhalinta somalidu u kala shiraan isuguna diriraan qaybsiga kuraasta, midaas oo ka yaabisa umadaha kala duwan ee ay wax la bartaan aaminkiina ka siisa sawir buuxa Somalia da la sheego waxa ay tahay, kumasoo koobi karo qormadaan yar in aan uga hadlo samaynta dhalinta somalida ay ku yeelatay qabyaaladu, waxaanse insha allaahu isku deyayaa in aan ka dhigo taxane xog dheeraadana aan kusoo gudbinayo hadii ay suurto gal ii noqoto arintaasi.
Hadaba su,aasha mudan in la,is waydiiyo ayaa ah mar hadii ay dhalintii somaliyeed sidaas ku qaybtamayaan, is aaminaad la,aan dhexdooda ah iyo kala shakina uu jiro weliba aad u baahsan oo aanba dhihi karo waa mid dhaafay xadka ay kuwa odayaasha ahi gaarsiisanyihiin, koox walbana ay doonayso in ay kooxda kale ka sad bursato gobolo iyo tuulooyina loo kala fariisto, wax farqi ah ma u dhexeeyaa dhalinta somaliyeed ee manta iyo wax ma garatadii Somalia heerkaas soo gaarsiisay?
Maka saari karaan dhalintaani Soomaaliya dhibaatada ragaadsatay, awoodna ma,u yeelan karaan in ay la tartamaan asaagooda horumaray?
Jawaabta su,aalahaani waa haa,!! hadii ay dhalinta iyo umada balaaran ee soomaliyeed sameeyaan arimahaan soo socda oo aan uga hadlayo maansadaan hoos ku qoran, hadii ay samayn waayaana cirib dambeedku waxa uu noqonayo laftigeedana waxaan uga hadlayaa isla maansada oo aan ugu yeeray(horusocod)
Hadaynaan horay u socon qayr keen halkuu maray higsan oo ka daba tegin haybsooca reernimo iyo hebelaynta laga tegin hadba keeni liitana aynaan haraynoo kor usoo hinqinahayn, keenii hanyeeshoo hamigiisu soo kacana hor u soco la, oranayn, haldoor kaynu leenahay iyo hadba kii abaal gala halyeey lagu sifayneyn xushmad loo hibeynayn, guurtida ladaba Hogan, culimada la darajayn, hadaan dumarku hoygiyo halkoodii kusoo noqon,hadaan diintu hiil helin,shareecada la horumarin,hirdifaaga iyo tuug hadii heerka uu yahay iyo hayb lagu xushmeeyoo aan hooy la oranayn, hadaynaan halmeel noqon, hawsha aan lawada qaban, hor ilaahna laga noqon, hadba kii hugaanshana hagaag loo adeecayn,hadii dalaga beeraha duunyada lawada noco gargaar doono helidiis, hadaan ciidan hodankaa badaan haybta wayn iyo hawadaan nadiiftaa loo wada hiloobeyn,oo lagusoo hiranahayn, intaas oo ha, iyo woow heerkeed ku idil yahay hadaan haybta soomaal hamigeedu uu noqon rabiyoo hagaajiyo gurmad heego ma,ahee dawladnimo ma helaysaan, halaag baad dhaxlaysaan hoog iyo ba,baa hurran halka aad ku sugantiin.
Waxaan ka cudur daaranayaa saadasha maansada gabagabadeda aan sameeyay mana aha macneheedu in aanan jeclayn mustaqbalka dalkayga laakiin xaqiiqda hadii aynu iska indho tirno waxba inooma hagaagayaan somaliyeey,.
Fadlan hadii aad wax dooda ama su,aal ah ka qabtid qormadaan igalasoo xiriir emailkaas hoos ku qoran mahadsanidiin .
By Abdikadir dahir farah
email abdikadirf222@gmail.com
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM