Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta barqadii dalka dib ugu soo laabtay,madaxweynaha iyo waftigiisa oo kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si diiran ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari R/wasaaraha dalka C/faarax Shiirdoon Saacid iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.
Waftiga madaxweynaha ayaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed,waxaana warbaahinta gudaha garoonka Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi,wuxuuna ka warbixiyey safaradii uu madaxweynuhu ku tagay wadamada Japan iyo Kenya.
Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Japan iyo shirarkii caalamiga ahaa ee uu kaga qaybgalay magaalada Yokohama ee dalka Japan ay kusoo dhammaadeen guul iyo is afgarad.
Wuxuuna dhanka kale tilmaamay in wadahadaladii uu madaxweynuhu dhiggiisa Kenya kula yeeshay magaalada Nairobi ay kasoo bexeen arimo wax ku ool ah,wuxuuna tilmaamay iney isla meel dhigeen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dakeynta xiriirka labada dal,dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha ku yaalla gudaha dalkaas iyo ka wada shaqaynta amniga xuduudaha labada wadan.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Japan kaga qaybgalay Shir gaara oo loo qabtay arimaha dalka Soomaaliya,shirkaas oo dowladdu ay tilmaantay inuu ahaa mid ay kasoo bexeen go’aanno kaabaya dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada Soomaaliyeed,waxayna sidoo kale ka qaybgaleen shirkii 5-aad ee horumarinta Afrika ee ay qabato dowladda Japan 5-tii sanaba mar.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho