Muqdisho(RBC Radio) Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ayaa xalay ruux rayid ah ku toogtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,ragga dilka geystay oo ku hubaysnaa Bistoolado ayaa waxa ay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir ku toogteen nin rayid ahaa kana mid ahaa dadka deegaanka sida weyn looga yaqaanay.
Ruuxa la dilay oo lagu magacaabi jiray Cismaan Maxamuud wuxuuna ka mid ahaa dadka ku nool xaafada Carafaad, waxaana la tilmaamayaa iney xalay Salaadii Cishe ay raggaasi hubaysan ku toogteen Iftin oo ka tirsan xaafadda Carafaat eed degmada Yaaqshid,Marxuumka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa nin nolol maalmeedkiisa ka raadsada ilaalinta guryaha laga dhisayo xaafadda Carafaad.
Lama oga sababta keentay dilka ninka rayidka ah ,kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay markii ay dilka fuliyeen,ehelada Marxuumka ayaa sheegay ineysan garaneen sababta loo dilay Cismaan oo ay sheegeen inuusan wax lug ah ku lahayn siyaasadaha isdiidan.
Dilka Marxuumka ayaa ka mid ah dilalka foosha xun ee loo geysanayo bulshada Soomaaliyeed,saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ka wada hawlgallo ay ku adkaynayaan sugida amniga caasimadda waxayna ku celceliyaan iney ka go’an tahay xaqiijinayaan amniga caasimadda Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho