London[RBC Radio]Waxaa maantey dowladda Britain ay magacowdey danjiraheda cusub ee Soomaaliya waxana uu badali doona danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Britain Matt Baugh.
Ninkaan lomagacaabey inuu noqdo danjiraha dowladda Britain u xilsarnaan doona Soomaaliya ayaa waxaa lugu magacaaba Neil Wigan.
Neil Wigan ayaa muddo ka soo shaqeyey qaradda Afrika waxana mudadi danbe uu ka shaqeynayey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.
Danjiraha cusub oo lagu magacaabo ayaa sheegey inuu ad ugu faraxsanyahay inuu noqdo u xilsaranaha Britain ee Soomaaliya,waxana intaa uu ku darey in xiligaan Soomaaliya ay ga shey waji cusub maadama sida uu sheegey ay dowlad rasmi ah dalka ay ka jirto isla markana ay xiligaan muqdan sidaa uu sheegey ifi faaloyin mujina in jidka saxna ay xiligan heyso Soomaaliya.
Neil Wigan ayaa sidoo kale halkiisa kusoo qadey inuu ka shaqeyn doono sidii dowladiisu ay gacan buuxda u sin lahed dowladda Soomaalida.
Danjiraha cusub waxaa kalo uu tilmaamey in uu labajibaari doona dar dar galin doono safaaradda dhawan dalka Soomaaliya ay dib ugu furatey dowladdisa,waxana dhinaca kale uu soo hadal qadey in qorshihisa ay ugu weyntahay sidii saro logu qaadilaha taageerida ay Britain sii so Soomaaliya.
Bishii Abriil ee sannadkan ayey ahyeed markii dowladda Britain ay Soomaaliya ka furatey muddo 22-saano ka dib safaaradedi waxana ay Britain sheegey inay xiligaan usoo jeedo sidii dadka Soomaalida iyo dowladdoodaba ay gacan u siin laheyd.
RBC Radio