Muqdisho(RBC Radio) Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno dil ah ku riday 2 askari oo ka tirsan ciidanka nabad sugidda Soomaaliyeed,kuwaas oo maxkamaddu ay ku heshay iney hore si xaq-darro ah ugu dileen dad rayid ah.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya C/llaahi Maxamed Muuse Kayse oo ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu ku ridday Mahad Maxamed Cilmi iyo Aweys Axmed Xasan oo ka tirsan ciidanka nabad sugidda kuwaas oo lagu helay iney hore u dileen 2 ruux oo rayid ah.
Kayse ayaa sheegay in Mahad Maxamed Cilmi ayaa lagu helay inuu dil bareer ah u geystay Marxuum Asad C/llaahi Maxamed oo ka mid ahaa wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,waxayna maxkamaddu ku riday xukun dil ah.
Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Aweysa Axmed Xasan ku heshay inuu ka danbeeyey dil loo geystay Marxuum la oran jiray C/risaaq Maxamuud Maxamed oo uu toogtay xilli ii uu xaafadda Baar-ubax ee magaalada Muqdisho kaga dagayey gaari kuwa dadweynaha ah oo uu kasoo raacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose/
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida c/llaahi Maxamed Muuse ayaa intaa ku daray iney jiraan dad kale oo maxkamaddu ay dib u dhigtay qaadista dacwadaha loo haysto,wuxuuna sheegay in maalmaha soo socda ay maxkamaddu u fariisan doonto qaadista dacwadaha loo haysto,tallaabooyinka ay qaaday maxkamadda ciidanka qalabka sida ee ay sharciga ku marsiisay ciidanka dhibaateeya shacabka ayaa hoos u dhigtay tacadiyadii uu dilku ka mid ahaa ee ay ciidanka dowladdu u geysan jireen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho