Boosaaso[RBC Radio] Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya gaar ahaa kuwa Puntland ayaa bilaabay hawlo Caafimaaad oo isugu jira baaritaano iyo daaweyn loo sameynayo Shacabka ku dhaqan deegaanada Xeebaha.
Ciidamada NATO ayaa hawlahan Caafimaad kasoo fuliyey deegaanada Xeebaha sida Murcanyo,Caluula,Qandala iyo deegaano kale oo dhanka Xeebaha ku teedsan iyagoona Shacabka u sameeyey baaritaano iyo daaweyn.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage oo Saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa Boosaaso ayaa faah-faahin ka bixiyey Hawlaha Caafimaad ee ay wadaan Ciidamada Nato gaar ahaana kuwa Talyaaniga ee Xeebaha Soomaaliya ka hawlgalaya.
Eng Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in Ciidamada Nato gaar ahaana kuwa Talyaaniga ay ka Codsadeen in hawlo Caafimaad u sameeyan dadka ku dhaqan deegaanada Xeebaha maadaama dadkas aysan helin adeegyada aasaasiga ah.
….”"”Dad badan bey eeg-eegeen oo Murcanyo kamid tahay,Qandala,Caluula iyo deegaanada Xeebaha saaran marka waa Mashruuc socda runtiina waxay ahayd arrin aad u fiican dadkana waa loo geeyey intaan geyn karnay….”"”"ayuu yiri Eng Raage.
Waxa uu intaas ku daray in dadka ka faa’ideystay hawlahan Caafimaad ee isugu jiray daaweyn iyo baaritaan ay kor u dhaafayaan 600-qof isla markaana 55- kamid ah yihiin dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ujeedada Hawalahan Caafimaad.
Wuxuu ku sheegay Wasiirku Ujeedada hawlaha Caafimaad ……..”"Maadaama aysan wax badan jirin oo dhinaca Burcadbadeeda ah ama xoogaa yaraadeen ayaan waxaan ka codsanay bilihii kal hore iney caawiyaan sanadka bilowgiisa dadka Xeebaha jooga gaar ahaan dhinaca Caafimaadkada…”"”ayuu yiri.
Kabtanka Markabka Talyaaniga ee hawlaha Caafimaad fulinata Antonio Natale ayaa isna dhankiisa sheegay in dadka ku dhaqan Xeebaha Puntland u sameeyeen baaritaano iyo daaweyn isla markaana ay si laba jibaarayaan.
Si kastaba Hawlahan Caafimaad ee ay wadaan Ciidamada Nato gaar ahaana kuwa Talyaaniga ayaa si weyn waxaa u soo dhaweeyey dadka ku dhaqan Xeebaha,waxayna Codsadeen in la laba Jiraaro.
__________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com