Muqdisho(RBC Radio) Ergayga cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo uu dhawaan xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe usoo magacaabay arimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay shaqada xafiiska Qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya UNSOM.
Nicholos Kay ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya,labada dhinac ayaa gudaha garoonka ku qaatay kulan socday in muddo ah,markii uu soo gabagaboobay kulanka ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi iyo ergayga cusub ee Q/M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
C/llaahi Ciil-mooge oo ku hadlayey afka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa Nicholos Kay kusoo dhaweeyey dalka Soomaaliya”aniga oo ku hadlaya magaca afka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee u oomman nabadda iyo xasiloonida waxaan dalkeenna cimilada wanaagsan kusoo dhaweynaynaa Mr Nicholas Kay” ayuu yiri Ciil-mooge oo ka hadlayey shirka Jaraa’id.
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholos Kay oo isne hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Soomaaliya iyo inuu Qaramada Midoobe u metelo arimaha dalka Soomaaliya,wuxuuna xusay in si wanaagsan dalka loogu soo dhaweeyey.
Nicholos Kay ayaa hoosta ka xariiqay in dalka Soomaaliya uu ka baxay waayihii adkaa ee dhibaatada badnaa ee dalku soo maray,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in xafiiska uu madaxda u yahay ee UNSOM uu wax badan ka qaban doono arimaha dalka Soomaaliya.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan noqdo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya,si xamaasad leh ayaan u guda gali doonaa hawsha la ii xilsaaray” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Nicholos Kay.
Mr Kay ayaa maanta shaqada si rasmi ah ugala wareegay Ergaygii hore ee Q/M u qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga oo xilkan soo hayey ku dhawaad 3 sano,waxaana la bedelay magicii xafiiska Q/M oo hore u ahaa UNPOS,waxaana xafiiska cusub loo bixiyey UNSOM , xafiiska Q/M kaasoo ku shaqayn doona siyaasad ka gedisay tii uu ku hawlgali jiray xafiiskii Mahiga uu madaxda ka ahaa ee UNPOS.
Nicholas Kay ayaa xiligan wada hadalo la leh R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,wuxuuna ku micneeyey qorshaha cusub ee Q/M ee arimaha Soomaaliya mid la isku garab taagayo umadda Soomaaliyeed.
“Dadka Soomaaliyeed waxay Qaramada Midoobaay weydiisteen wadashaqyen cusub oo waafaqsan rabitaankooda. Wax qabadka Qaramada Midoobaay wuxuu noqon doonaa mid aad u midaysan loona wada dhanyahay, lehna waxtar dheeraad ah – kuna saleysan mabadi’da wada shaqeynta dhabta ah ee Ururka Midowga Afrika iyo saaxiibada Soomaaliya ee kale. Bulshada caalamku waxay aqoonsatay arrintan iyadoo u soo mareysa taageerada ay u fidinayso UNSOM” ayuu riri Mr Kay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho