Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo waxaa maantey kulan isugu yimid Nabaddoonnada, Odayaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada gobolka Mudug waxana kulaankooda uu ahaa mid ay uga hadley arrimo dhor ah oo ay ka mid ahyed xaaladda Puntland,hadal dhawaan ka soo yerey wasiirka warfaafinta Puntland oo lugu dhaleceyey Cadde Muuse iyagona sheegey inay ka xunyihiin hadalkaas.
Sidoo kale waxaa ay ku soo qadeen kulan kooda oo ay ku taageeren maamulka Jubba-land waxana baaq ay u diren madaxweynaha Soomaaliyo oo ay ku booriyeen inuu taageero dadka reer Jubba-land iyo maamulka ay dhisteen.
Kulan kaan intaa uu socdey waxaa hadalo ka jeediyey siyaasin horey xililal kala dowana Puntland uga soo qabtey waxana siyaasinti shirka hadalka ka jeediyey ka mid ahaa Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab”oo isgu horey usoo noqdey madaxweyne ku-xigeenka Puntlan,waxana uu sheegey in xiligaan loo bahanyahay in xaaladda ka jirta Puntland ay soo fara galiyaan isimada Puntland.
Sidoo kale kulanka waxaa ka soo qeyb galey nabadoono dhor ah waxana ka mid ahaa nabadoonadi hadalka ka jeediyey kulanka nabadoon Yaasin Cabdi Samad waxana uu nabadoonka dhinacisa sheegey in wax laga xumaado uu yahay sida uu hadalka u dhigey hadal dhawan ka soo baxay wasiirka warfaafinta Puntland kasoo ahaa dhaleecen loo jeediyey madaxweynihi hore ee Puntland Cadde Muuse Xirsi,waxana uu sidoo kale uu baaq u direy madxaweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud waxana uu ugu baaqey inu faragalinta ka dayo maamulka ay shacabku dhisteen ee Jubba-land.
Kulanka ayaa waxaa laga soo sarey warmurtiyey lugu faaf faahinayo waxaa loga hadley haddaba hoos ka aqri wixii uu qusey shirka.
QIIMAYNTA XAALADDA PUNTLAND, MAWQIF TAAGEERID, XAALMARIN IYO BAAQ.
Nabaddoonnada, Odayaasha, Waxgaradka, Siyaasiyiinta wax-aqoonta kale ee Gobolka Mudug ayaa maata oo ay taariikhdu tahay June 03, 2013 kulan ballaaran ku yeeshay Hotel Shaariqa ee Magaalada Gaalkacyo. Kulankaas oo si xallad leh loo soo agaasimay ayaa ahaa kii saddexaad oo taniyo bishii May qaybaha bulshada ee Mudug ay ku yeeshaan Magaalada Gaalkacyo.
7-dii May 2013 waxaa Hotel Classic shir aysan u kala harin isugu yimid oday-dhaqameedyada gobolka oo ilaa 70 gaaraya, waxgaradka kale ee bulshada, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Gobolka ka matala, Indheergarad iyo Guddiga Bulshada ee Gobolka. May 13, 2013 dhallinyarada gobolka oo ay hoggaaminayaan Ururka Dhallinyaradu ayaa iyana shir aysan u kala maqnayn ku qabtay Hotel Saylaan, kaasoo ay ku martigeliyeen qaybaha kala duwan ee bulshada, marka Isimmada laga reebo.
Kulankaan hadda ah oo aad uga mug weyn kuwa la soo xusay ayaa ah kii saddexaad oo muddo bil ka yar Gaalkacyo ka dhaca, dhammaantoodna waxaa looga hadlayey sidii Puntland marxaladda qallafsan oo ay hadda ku jirto looga saari lahaa.
Kulankaas Hotel Shaariqa laysugu yimid waxay ujeeddadiisu ahayd inay ka-qaybgalayaashu kaga doodaan arrimaha taagan ee sii ba’samaya, kuwaasoo aynu ku soo gaabsanayno:
1. Xaaladda siyaasadeed ee Qaranka Puntland oo dhinac kasta ka soo garbaduubantay.
2. Xaaladda nabadgelyo oo goor walba ka sii daraysa.
3. Xaaladda ganacsi oo suuqyadii Puntland ay dhinacya kale u wareegeen.
4. Xaaladdd dhaqaale oo heerkii abid ugu liitey gaartey, tusaalana ay inoo kaga filan tahay
a) Golayaashii Dawladda oo ugu yaraan aan shan bilood mushaar helin
b) Shaqaalihii wasaaradaha oo Nofember 2012 ilaa April 2013 mushaarkoodii la
la’yahay.
c) Ciidammadii oo mushaar la’aan darteed gadood iyo inay xeryihii ka baxaan bilaabay.
5. Xaaladda nololeed oo bulsha-weynta oo si aan arxan lahayn loo dayacay
6. Doorashooyinka aan xalaasha ahayn bulshadana aan sina ugu cuntamin oo
xukuumaddu rabto inay si aan dastuuri ahayn ku hirgashato mawqifkii in laga istaago ku aaddana.
Kulankaan oo aad loogu diirsaday waxaa si weyn loogu xusay luguna garab-istaaagey bannaanbaxyadii iyo shirarkii isdabajoogga ahaa oo Boosaaso iyo Qardho toddobaaddii dhaweyd ka dhacay, aragti-wadaaggana ay kuwa Gaalkacyo ka socda ahaayeen. Qof walba oo hadalka qaatay wuxuu ku dheeraaday badbaadinta Puntland inay muqaddas tahay, isagoo carrabka ku adkeeyey maamulka hadda jira qaabka uu dalka iyo dadka ku dhaqayo inaan raalli laga noqon Karin.
Doodda ka-qaybgalayaashu waxay aad ugu nuuxnuuxsatay arrinta doorashoolyinka lugu jilayo oo bulshada rabiddeeda lugu khayaamayo. Lama arag lamana maqal hadda ka hor madaxweyne yiri ama leh, “Cid kastoo dawladda u shaqaysaa waa xisbigayga”. Taasi waa oraahdii Faroole Barlamaanka Puntland hortiisa uu ka jeediyey. Ka-qaybgalayaashii kulanku waxay arrintaas doorashooyinka xukuumaddu olo-olaynayso u arkeen mid hannaanka ay ku socotaa uusan dimoqraadiyadba raad ku lahayn reer Putlandna aan lugu khayaami kari.
Xeeshatan xukuumadda waxaa loo arkay:
1. Inaan xukuumaddu bulshadeeda kalsoolni ku qabin haddii Golaha Wakiillada hab-dhaqameedkii lugu soo xuli jirey lugu soo doorto ama doorasho xalaal ah la qabto.
2. In faraqabsi/dhaqaale deeq-bixiyayaasha looga helo.
3. In xisbiga keligiis ah oo qaabkuu u dhisan yahay aysan sharciyadda waafaqsanayn ee xukuumadda oo cid tartan kula jirtaa aysan jirin uu hadhow ku andacoodu inuu doorashadii ku guuleystey.
4. Taasi hadday dhacdo, oo ah waddada xukuumaddu hayso, waxaa loo arkay inuusan waddanku burbur iyo dagaal sokeeye hurayn, mas’uuliyaddeedana aan cidi xukuummadda Faroole la wadaageyn.
TAAGEERO
Dhammaan dadkii kulanka isugu yimid waxay si aan kala-har lahayn u taageereen kacdoonka bulshada Puntland ee isbeddel-doonka ah, waxayna sidoo kale taageero buuxda u fidiyeen baaqii iyo soojeedintii Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi Boqor uu Isimmada iyo bulshada u soo gudbiyey, xukuumaddana uu ugu nasteexeeyey, kuwaasoo ku aaddana xaluhelidda iyo badbaadinta Puntland.
XAALMARIN
Ka-qaybgalayaasha kulanku waxay Madaxweyne Cadde wadajir iyo cod midaysan kaga xaalmariyee gefkii, aflagaaddadii aan yaxyaxa lahayn iyo masabbidkii qaawanaa oo uu wasiirka warfaafinta xukuumadda Faroole, Maxamuud Caydiid Dirir, odayga ula bareeray warbaahintana u mariyey. Inaan wasiirka hadalkiisu qabad lahayn wuxuu yiri, “ Caddaa Laascaanood baxshey”.
Warmooge hadalka loo dhiibey inuu wasiirku yahay ma wuusan ogeyn markii Laascaanood la qabsaday inuu Madaxweyne Cadde waddanka dibedda kaga maqnaa Xasan Daahir Afquracna, Allaha u naxariistee, oo MKX/kiisa ahaa uu waddanka ka talinayey? Ma wuusanse ogeyn wasiirka Madaxweyne Cadde jaa’ifeeyey Gen. Cabdisamad Cali Shire oo hadda madaxweyne kuxigeen Puntland ah, oo markaas Taliyihii Ciidammada Punatland ahaa inuu Laascaano joogey oo difaaca lugu jabay uu hoggaaminayey?
BAAQ
Isimmada Puntland, oo qaddarinta iyo xushmadda mudan wuxuu kulanku ugu baaqayaa sidaad dhismaha Puntland aasaas iyo saldhig ugu ahaydeen badbaadinteeduna inaysan idin fursanayn. Sidaas darted, bulshadu waxay aaminsan tahay dareenkeedana ku weyn sidaad Isimmo lagama maarmaarka ugu tihiin, Alle ka sokow, taladeeda, xaluheliddeeda iyo badbaadinteeda intaan xaaladdu faraha ka bixin.
RBC Radio