Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Golaha wasiirada oo meelmariyey sharciga dhismaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo kulankii khamiis-laha  ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa meelmariyey hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda qaranka ee Maaraynta Musiibooyinka,kulanka oo uu shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa waxa ay goluhu isku raaceen meelmarinta hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Maaraynta  musiibooyinka qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka.

R/wasaaraha xukuumadda federaaliga Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa baarlamaanka ka codsaday inuu si dhaqso leh u ansixiyo dhammaan hindiso-sharciyeedyada ay xukuumaddu u gudbisay, wuxuuna lagama maarmaan ku tilmaamay inay labada gole ka wada shaqeeyaan nidaamka sharci-dejinta.

“Waa lagama maarmaan in labada gole ee dawladdu ka wada shaweeyaan sharci dajinta dalkan, si loo dar-dar-galiyo hawlaha dawladda iyo adeega bulshada ee baahida weyn ummada Soomaaliyeed u qabto. Sharcigu waa tiirka koowaad ee dib-u-dhiska hay’addaha iyo wakaaladaha muhiimka ah ee qaabilsan fulinta hawsha dawladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale ka dooday labo hindise-sharciyeed oo kale, kuwaas oo dib loogu celiyay guddiyo farsamo si ay u soo dhammeystiraan ka hor inta aan la ansixin,kuwaas oo goluhu u arkay ineysan xiligan habbooneen insida ay yihiin lagu meelmariyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dib ugu soo noolayn lahayd hay’adihii iyo wakaaladihii dowliga ahaa ee qaranka Soomaaliyeed kuwaas oo ku burburay dagaaladii dalka ka socday  22-kii sano ee ugu danbeeyey.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles