Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nairobi: Madaxweyne Faroole oo kulamo laqatey masuuliyin kala gadisan(Sawirro)

$
0
0

Nairobi [RBC Radio]Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole oo kusugan magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa halkaas kuleh kulomo isdaba joog ah oo ula qadanayey masuuliyin kala gadisan.

Madaxweynaha ayaa masuuliyinti uu kulamada laqatey waxaa ka mid ahaa Ergayga USA u qaabilsan Somalia Ambassador James Swan,waxana ay ku kulmeen kulan lugu falanqeynayey arrimo laxariira Puntland iyo Soomaaliyaba.

Arrimaha ay madaxweyne Faroole iyo James Swan ay kawada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa maamul u samaynta gobolada,ammaanka,dastuurka DF Soomaaliya,dhaqaalaha,hoosu dhaca ku yimid shilinka Somaliga iyo yoolka laga gaarey geedi socodka dimoqraadiyada Puntland.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kulan ballaaran laqatey illaa 15-safiiro oo ka socdey dalal ka mid ah qaaradda Yurub,waxana ka mid ahaa safiirada ay is arkeen madaxweynaha safiirka EU- u qaabilsan Somalia Michele Cervone,halka ay sidoo kale madaxweynaha ay wada kulmeen wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somalia Maxamed Saalax Al-Nadiif iyagona si dheer ugu wada hadley xaaladda ka jirta Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweyne Faroole waxaa kalo uu lakulmey qar ka mid ah masuuliyin hore oo katirsananjirey dowladdihi hore ee KMG ahaa waxana masuuliyinta ka mid ahaa R/wasaarihi hore Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaarke.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lugu wadaa inuu kulamo kale laqato qar ka mid ah diblumaasiyin dalal kala gadisan ujogta Kenya.



Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles