Muqdisho(RBC Radio0 Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga xilka kasii dagaya ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga,labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka warbixiyey kulanka uu maanta Mahiga kula qaatay xafiiskiisa ayaa sheegay iney iska xog waraysteen xaaladaha ka maadaam sida uu tilmaamay Mahiga uusan wali wareejin xilka u qaabilsanaha qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dheeraaday hawlihii uu Mahiga dalka kasoo qabtay mudadii uu xilka hayey,wuxuuna sheegay in Augostina Mahiga uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay ka bixidii xiligii kumeelgaarnimada oo uu sheegay inuu dadaal badan u galay hawlihii lagu yagleelayey dowladda federaaliga ah ee hadda dalka ka jirta.
Ambassador Augsotina Mahiga oo bishii hore lagu Badalay Nicholas Kay oo u dhashay Dalka Ingiriiska oo isne ka hadlay shir Jaraa’id ee ay sida wada jirka ah u qabteen gudoomiye Jawaari ayaa sheegay inuu ka qayb qaatay mudadii uu xilka hayey dib u heshiisiinta qaybaha Soomaalida iyo hirgalinta Mashruucii hab-raaca nabadda Soomaaliya ee Road-Map ka taasoo keentay iney dalka ka dhacaan doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ka qabsoomay.
RBC Radio