Nairobi[RBC Radio]Dowladda Kenya ayaa qorshenaysa sidii wadamada Midowga Afrika u taageerlahaayen qorshaha xasilinta dalka Soomaaliya kadib muddo dhan 22-sano oo dagaalo ay dalka ka socden.
William Ruto madaxweyne kuxigeenka Kenya ayaa sheegey inay dadaal dher ugu jiran sidii wadamada Afrika ay ugu soo jeedin lahayeen xaaladda ka jirta dalka ay dariska yihiin ee Soomaaliya,Ruto waxa uu inta ku darey inay wadomo dhor ah uu kala hadley arrimaha Soomaaliya isgona soo qatey kulan uu todobbaadkii tagey uu la qatey madaxweynaha wadanka Ghana John Dramani Mahama iyagona kulan kooda si qaas ah uga hadley xaaladda ka jirta Soomaaliya.
“Kenya waxa ay dadaal dheer oo an kala haridooni ugu jirta sidii indhaha wadamada afrika logu soo jeedinlaha xaaladda xasilooni darida ah ee ka jirta Soomaaliya,Soomaaliya xiligaan waxaa la dagey colaado waxana macqul ah in kooxaha dagaalada kawada inay usoo gudban wadamada dariska la ah wana taa arrinta ugu weyn ee anuu ka dhaa dhicinayney wadamada anu la kulanen”waxaa warbaahinta inta u sheegey William Ruto madaxweyne kuxigeenka Kenya.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegey in wadamo dhor ah oo ay is arken ay ka dhaadhacdey xiligaan arrinta ka tagan Soomaaliya,waxana uu inta ku darey in badan kood ay xiligaan balanqadyo ku sheegen inay taageri doonan hananka cusub ee xiligaan la doonayo in wax laga qabto Soomaaliya.
Kenya waxa ay ka mid tahay wadanada ciidamado ay ka joogan Soomaaliya iyagona qeyb ka ah howllgalka AMISOM ee Soomaali,waxana inta badan ay sheegta Kenya in falalka argagixiso ee ka dhaca guddaha dalkeda inay ka danbeyan kooxaha ka dagaalama Soomaaliya iyadoona xiligaan ay umuqato inay la kashanayan arrinta wadanada kale ee Afrika si ay wax ula qabtaan.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio