Badhan (RBC) Wararka ka imaanaya degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ku waramaya in halkaas ay ku sumoobeen arday wax kabarata dugsi kuyaala magaalada Badhan wararka ayaa sheegay in ardayda sumowday oo ah 6 gabdhood oo dhigta dugsiga sare ee degmada Badhan ay ku waxyeeloobeen waxyaabo Kiimiko ah.
Gudoomiyaha degmada Badhan ee gobolka Sanaad Max’uud Ismaaciil ayaa sheegay in gabdhaha dhibaatadu soo gaartay ay ahaayeen araday dhigta dugsiga sare ee magaaladaas wuxuuna tilmaamay iney gabdhahaasi samaynayeen baraatiko ku saabsan Saynis.
Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in 6-da gabdhood ay isku raaceen guri cidla ah oo ku yaala degmada Badhan kadibne ay isku dayeen iney ku celiyaan cashar ay ku qaateen dugsiga oo ku saabsanaa isku darka waxyaabo Kiimika ah ,waxaana la sheegay in gabdhaha ay ku sumoobeen kadib markii uu sheegay in Kiimikadu ay hawada u soo raacday taasine ay keentay in dhamaan 6-dii gabdhood loola cararao Cisbitaalka magaaalada Badhan.
Max’ud Ismaaciil ayaa sheegay in gabdhuhu ay si taxadar la’aan ah faraha ula galeeb waxyaabahan Kiimikada ah oo hadii aan si hagaagsan looga digtoonaan ay ka dhalan karto qatar weyn,wuxuuna intaa ku daray in hada ay la tacaalayaan xaaladaha caafimaad ee ardayda ku sumoobay Kiimikada ay Baraatikada ku samaynayeen.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho