Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka oo digniin u diray mudanayaasha aan soo xaadirin kulamada baarlamaanka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray mudanayaasha ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee aan soo xaadirin kulamada ay baarlamaanku yeeshaan ,gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo hadal u jeediyey xildhibaanada baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in hadda wixii ka danbeeya aan loo dulqaadan doonin mudanayaasha ka maqnaada kulamada baarlamaanka.

Jaylaani Nuur ayaa sheegay in xildhibaankii soo xaadiri waaya kulamada baarlamaanka uu waayi doono xubinnimadiisa golaha baarlamaanka wuxuuna ugu baaqay dhammaan mudanayaasha ka maqan kala fadhiyada baarlamaanka iney si deg deg ah usoo xaadiraan una gutaan hawshii loo xilsaaray.

“xaq maaha in xildhibaan uu maalin walba usoo jarmaado hawlaha baarlamaanka,midkalane uu dibadaha iska dalxiise isla markaane ay uu gunnada iska qaato” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar.

Jaylaani ayaa sheegay iney muddo badan ka dhursugeen in mudanayaashaasi ay ka waantoobi doonaan ka maqnaanshaha kulamada baarlamaanka balse xiligan uu ka dhammaaday dulqaadkii isla markaane ay ka qaadi doonaan Tallaabada ku habboon,wuxuuna intaa ku daray iney ka adeejin doonaan gudiga anshaxa baarlamaanka oo dabagal ku samayn doona isla markaane ay ku qaadi doonaan xeer hoosaadka u qoran baarlamaanka.

Hadalka kugoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka ayaa daba socda hadal nuuciisa ah oo uu baarlamaanka u jeediyey afhayeenka golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka digay  ka maqnaanshaha kulamada baarlamaanka xubno badan oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles