Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waftigii ka socday baarlamaanka Carabta ee dalka booqashada ku joogay oo maanta Muqdisho ka ambabaxay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Waftigii ka socday baarlamaanka Carab ee labadii maalmood ee ina dhaafay booqashada ku joogay magaalada Muqdisho ayaa maanta dalka ka ambabaxay,waftiga ayaa maanta barqadii ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo sii sagootiyey waftigii uu hogaaminayey gudoomiyaha baarlamaanka Carbeed  ayaa sheegay iney waftiga baarlamaanka Carabtu ay ballan qaadeen iney shirka baarlamaanka Carabta horgeyn doonaan waxyaabihii ay kuy arkeen magaalada Muqdisho.

Wuxuuna tilmaamay in shirka Carabta oo ka furmaya dalka Kuweyt bisha June ee sanadkan ay waftiga soo gaaray magaalada Muqdisho Baarlamaanka Carabta uga warbixin doonaan waxyaabihii ay dalka Soomaaliya kusoo arkeen,wuxuuna daboolka ka qaaday iney u ballan qaadeen iney Soomaaliya wax badan ka caawin doonaan.

Axmed Maxamed Jarwaan ayaa saxaafadda u sheegay intii uusan ka ambabixin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar dhinacyada dhaqaalaha,siyaasada iyo amniga ah.

Wuxuuna sheegay inuu ku rajo weyn yahay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan usoo ceshato kaalintii ay caalamka iyo wadamada Carbeed ku lahayd,wuxuuna ballan qaaday in baarlamaanka Carabtu uu diyaar u yahay inuu garab taago walaalahooda Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles