Nairobi(RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay hawlgal saacado badan qaatay oo ciidanka amniga dalka Kenya ay kudoonayeen iney kusoo qabteen nin ay uga shakiyeen inuu ka tirsan yahay kooxaha argagixisada kaasoo sida boolisku sheegay qorsheynayey weeraro argagixiso oo uu ka geysto magaalada Nairobi.
Ciidanka Kenya oo gurigan Ninkani uu ku jiray ka waday hawlgal qaatay 8 saavadood oo xiriir ah ayaa ugu danbeyntii Saaka aroortii toogtay Ninkan ay ku sheegeen iney ku tuhunsan yihiin inuu ka tirsanaa kooxaha argagixisada ah iyo xaaskiisa,kadib markii uu ka dhega adayga inuu isa soo dhiibo dagaalne uu kala horyimi ciidankii ku hawlanaa soo qabashadiisa.
Booliska ayaa sheegay in Ninka la dilay uu iska caabbiyey ciidamada booliska Kenya isla markaane uu dhaawac gaarsiiyey 6 ka tirsan ciidankii ka qayb qaatay hawlgalka lagu dilay kadib markii uu Bambaanooyin dhowr ah kusoo tuuray ciidankii ku hawlanaa iney gacanta kusoo dhigaan,taasoo keentay iney ciidamadu toogtaan markii ay u suurta gali weysay iney nolol kusoo qabtaan.
Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in guriga Ninkan laga helay walxaha qarxa iyo Bambaanooyinka,waxaana ninka saaka la toogtay lala xiriirinayaa Elgiva Oliacha Bwire oo maxkamad ku taalla Kenya ay xabsi Daa’in ku xukuntay sanadkii 2011 kadib markii lagu helay inuu ka danbeeyey qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay gudaha magaalada Nairobi.
gudaha dalka Kenya ayaa waxaa kusoo banayey weerarada ka dhaca gudaha dalkaas kadib markii ay xukuumada Nairobi go’aansatay in ciidankeeda ay usoo dirto gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan alshabaab oo ay Kenya sheegtay iney qatar ku yihiin amniga gudaha dalkeeda.