Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Wasiirka Warfaafinta oo Goordhow Ka Warbixiyey Wafdigii IGAD Ee Maanta Yimid Muqdisho, Kuna Sii Jeeda Kismaayo

$
0
0

Muqdisho (RBC) Wasiirka Warfaafinta Dawlada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xersi oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi ka socda wadamada IGAD oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga IGAD ay dalka joogaan mudo labo maalmood ah oo ay shalay yimaadeen Muqdisho, wuxuuna wasiirku sheegay in wafdiga ay maanta xafiiskiisa kula kulmeen raysul wasaare Saacid.

“Waxay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya xalada dalka iyo kaalinta IGAD, Waxaa kaloo kulanka looga hadlay mowqifka dawlada ee ku aadan maamul sameynta gobollada oo taasi horeyba way u cadayd, waana hubaal inay ku qanceen.” ayuu yiri wasiir Ciilmooge oo saxaafadda uga warbixinayey kulankii maanta.

Wasiirku wuxuu sheegay in raysul wasaaraha iyo wafdiga IGAD ka socday ee yimid Muqdisho ay isla jeexjeexeen xaaladaha siyaasadeed ee dalka, raysul wasaaruhuna sharaxaad ka bixiyey aragtida dawlada iyo dadaalada ay ugu jirto nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ay ku hawlan tahay xukuumadda kuwaasoo meelo badana lagu guuleystay.

“Wafdigu waxay aad u dhageysteen sharaxaada raysul wasaaruhu ka siiyey guud ahaan hawlaha socda ee dawlada ugu jirto nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in ka sokow kulanka raysul wasaaraha ay wafdigan la kulmeen odayaal iyo dad bulshada ka mid ah oo ay ku jiraan waxgarad ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka oo ay ka qaateen aragtiyaha ay ka qabaana.

Mar uu wasiirku soo qaaday socdaal wafdiga IGAD ay qorsheynayaan inay ku tagaan magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu sheegay in wafdigan oo ay qeyb ka tahay dawlada Soomaaliya ay berito u socdaali doonaan magaalada Kismaayo si ay wadatashi ula yeeshaan qeybaha bulshada iyo madaxada Jubbaland.

Kulan bidhan horraanteedii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa madaxda toddobada wadan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD waxay isla garteen in wafdi loo diro magaalada Kismaayo si ay xaqiiqo raadin ugu tagaan deegaanka, waxaana lagu wadaa in wafdiga ay warbixintooda dib ugu celiyaan kulan madaxeedka IGAD ee dhici doona dhammaadka bisha May ee 2013.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles