Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney isku dhafi doonaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku kala sugan gobolada kala duwan ee dalka abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo warbaahinta uga warbixinayey Cutubyo ka tirsan ciidanka dowlada oo ka ambaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho kuwaas oo loo daad gureeyey gobolka Galgaduud ayaa sheegay in tallaabadani ay bilow u tahay qorsh ay ku doonayaan iey iskugu dhafaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay iney ka go’an tahay taliska ciidanka qalabka sida dowlada Soomaaliya iney fuliyaam awaamiirta madaxda ugu sareysa dowlada ee ku aaddan dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Wuxuuna sheegay in tallaabada ugu horeysa ee ay damacsan yihiin iney qaadaan si ay dib ugu dhisaan ciidanka xoogga iney tahay isku dhafka iyo mideynta ciidamada dowlada ee ku kala sugan gobolada kala duwan ee dalka.
Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa ku nuuxnuuxsaday iney ka go’an tahay dib u tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay,wuxuuna shaaca ka qaaday inuu ku rajo weynyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay ugu guuleysan doonaan dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho