Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku ansixiyey kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho xeerka kamid noqoshada baarlamaanka caalamka iyo ansixinta Miisaaniyadda sanadeedka ay wasaarada maaliyaddu usoo gudbisay gudoonka golaha baarlamaanka iyo qaybinta mooshinka laga keenay xukuumada R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Xog-hayaha gudiga Maaliyadda baarlamaanka Federaalka xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo kulanka ka akhriyey Xisaab xirka 3-dii bilood ee ugu danbeeyey sanadkii dhammaaday ee 2012-ka, ayaa wasaaradda Maaliyadda usoo jeediyey dhaliilo ku aaddan habkii loo maamulay dhaqaalahaas,wuxuuna ka dalbaday in wasaaradu ay soo gudbiso cadeymo lagu qanci karo oo la xiriira arimahaas.
Wasiirka Maaliyadda xukuumada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo goob joog ka ahaa kulanka baarlamaanku ku ansixiyey Miisaaniyad sanadeedka dowlada ayaa sheegay iney dhawaan baarlamaanka horkeeni doonaan qoraalada iyo heshiisyadii ay la galeen wadamada caalamka,wuxuuna intaa ku daray in hawsha wasaaradu ay u socoto si hagaagsan.
Mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey xeerka ka mid noqoshada baarlamaanka caalamka oo loo qeybiyey isaga oo qoraal ah,gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir gudoominayey kala fadhiga 2-aad kulankiisa 24-aad ayaa ugu danbeyntii soo xiray kulankii xildhibaanada baarlamaanku ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho