Garoowe (RBC RADIO) 25ka Bishan oo Maalin Sabti ah ku began ayaa la filayaa in uu Bilowdo Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland oo ay ka qayb gali doonaan 450 iskuul oo ku yaal Gobolada Puntland iyadoo ay imtixaankaasi u xaadiri doonaan 2370 Arday oo Rag iyo Dumarba isugu jira iyadoo ay diyaar yihiin kormeerayaal 70tan kor u dhaafaya kuwaasi oo Gacanta ku hayn doona habka uu Imtixaanku u dhacayo sidaana waxaa yiri Agaasimaha Imtixaanaadka ee Wasaarada Waxbarashada Axmed maxamuud (Saahid).
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wax Barashada Puntland Maxamed C/wahaab ayaa dhankiisa sheegay in Ardaydu ay isu diyaariyaan Imtixaan si wada jir ah halmar iyo hal waqti u bilaaban doono kaasi oo ardaydu ay uga kala gudbayaan Jaamacad iyo kuwo Dugsiga sare usoo hayaamaya kana soo gudbaya Dugsiga dhexe, Agaasimuhu wuxuu rajo wanaag ka muujiyay in lagu guuleysan doono 6maalmood ee uu imtixaanku socdo isagoo u rajeeyey ardayda dadaal dheeraad ah iyo isku filnaansho.
Sanadwalba xiliyadan oo kale ayeey wasaarada Waxbarashada Puntland Sanadwalba qabataa Imtixaanaadka Shahaadiga ah kaasi oo dad badan oo saadaaliya wax barashada ay sheegeen in uu yahay markii horeesay oo la arko Arday mideysan Imtixaan midaysan maamul midaysan macalimiin Mideysan iyo Manhaj loo dhan yahay sida ay hadalka u dhigeen.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.